"Xafalada si weyn loo soo agaasimay oo
lagu soo dhawaynayo Gudoomiyaha Baarlamaanka S/Land ayaa ka dhacday maanta magaalada
Sheffeild ”:
Xafalada si
weyn loo soo agaasimay oo lagu soo dhawaynayo Gudoomiyaha Baarlamaanka S/Land
Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid
Mudane Faysal Cali Waraabe.
Xafaladaas oo ay soo qabanqaabiyeen Jahliyada Somaliland iyo saddexda xisbi
qaran ee Somaliland magaalada Sheffield ayaa manta lagu qabtay magaalada
Sheffield waxaa xafladaas ka soo qayb galay Mayirka magaalada Seffield Lord
Mayor Roger Davison iyo Marwadiisa Lady Mayors Mrs Catherene Davison iyo ku
xigeenka Maayarka Deputy Mayor Jacky Dryton Waxaa kaloo ka soo qayb galay MP
Clive Betts Mudane ka tirsan Golaha degaanka Counciler Steve Johnes Hogaamiyaha
Golaha Degaanka Leader of council Jeam Cromar Mudane Counciler Ibrar Husein.
Waxa
aayado quraan ah ku furay xafladaas Cabdilahi Sheekh Xasan Gaboobe.Furitaanka
Aayadaha quraanka ah ka dib
Waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyay Lord Mayor Roger
Davison oo ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha G/Baarlamaanka Somaliland iyo wafdigiisa
magaalada Sheffield waxaanu ugu bogaadiyay guusha weyne ee uu ka soo hooyay
doorashadii Baaralamaanka Maayorku waxaa uu aad ugu mahadanaqay horumarka weyne
ee ay Somaliland gaadhay.Waxaa kaloo aad ugu nuux nuuxday horumarka ay
Somaliland gaadhay MP Clive Betts oo si fiican uga warbixiyey dimoqoraadiyada
Somaliland ku talaabsatay taas oo uu ku tilmaamay in ay tusaale u noqon karto
adduunka oo dhan.
Kadib waxaa hadal mahad naqa isna halkaas uga soo jediyay Xildhibaan Gudoomiye
Cabdiraxmaan ciro Madaxdii iyo xildhibaanadii kasoo qayb galay xafladaas ee ka
socday Councilka magaalada Sheffield.Waxaa kaloo isna hadal mahad naqa halkaas
ka soo jeediyay Gudoomiyaha xisbiga Ucid Mudane Faysal Cali Waraabe Sidoo kale
waxaa isna hadal mahad naqa soo jeediyay Maxamed Cabdilaahi Ciise (Maxamed
dheere)
Waxaa hadalkii la wareegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Xildhibaan Cabdiraxmaan Ciro
oo ka xog waramay Somaliland horumarka ay gaadhay iyo socdaalkiisii Uk oo uu
sheegay in ay waxayaabo badani ay ugu qabsoomeen balamana uu kaga tegay waxaanu
ku booriyay jahliyda Somaliland ee Sheffield in ay u hawl galaan sidii dalkooda
ay u hormarinlahaayeen isla markaasan ay maalkood iyo maskaxdoodaba ay ugu huri
lahaayeen dalkooda hooyo.
Waxaa isna hadal qiima leh halkaas ka soo jeediyay Gudoomiyah xisbiga Ucid
Faysal Cali Waraabe oo sheegay in ay ummada Soamliland ay isku duubnaadaan oo ay
gacmaha is qabsadaan.Waxaa iyana xafladaas ka soo qayb galay odayaal iyo waxa
garad ka socoda magaalooyinka Bristol iyo Bolton
Ugu dambayntii shirkaas oo si heer sare ah loo abaabulay isla markaasna ay ka
hadalaeen odayaal iyo aqoonyahano reer Sheffieldah waxaa uu ku soo gabagaboobay
jawi aad u qurux badan.
Maxamed Cumar (Mataan)