Justice and Welfare Party (UCID)

 


Shir Lagaga Tashan Doono Xaaladda dalka Oo Dhawaan Ka Furmi Doono Caasimada Hargeysa

Hargeysa, Somaliland (UCID)


UCID 2006-07-28 ( JUMHUURIYADA SOMALILAND )
Republic of Somaliland



--------------------------------------------


Hargeysa, August 03, 2006 (UCID)- Shir lagaga tashan doono xaaladda dalka ayaa dhawaan ka furi doona caasimada Hargeysa.

Shirkaa oo dhawaan ay ku baaqeen, islamarkaasna gogoshiisa fidiyeen labada xisbi ee mucaaradka ah ee UCID iyo KULMIYE, waxa la filayaa inay ka soo qeyb galaan xubno ka socda sadexda xisbi qaran ee UCID, KULMIYE iyo UDUB, Salaadiin, Aqoonyahanno, xubno komishanka doorashooyinka ah, siyaasiyiin madax bannaan iyo marti sharaf kale, kaasoo lagu wado in uu ka furmo bisha August 5da, Hotel Raasim ee Caasimada Hargeysa.

Waxaana shirkaas lagu eegi doonaa arrimo doora oo kala duwan, sida siyaasadda (Gudo & Dibad), dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada, hase yeeshee, ma cadda in xisbiga xukuumiga ah ee UDUB uu ka soo qeyb geli doono, balse warar ku dhow dhow qaban qaabiyayaasha shirkaasi, waxay tibaaxeen in lagu marti qaaday xisbiga UDUB.

Labada xisbi ee mucaaradka ah baa la sheegay in ay dammaanad qaadeen amaanka shirka, kuwaasoo la sheegay inay la socod siiyeen wasaarada daakhiliga shirkaasi.





 



 

Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID)

Jamhuuriyadda Somaliland

www.ucidparty.com

 

 

 


Source -

UCIDMEDIA





 


 

 


 

 

UCIDPARTY.COM