Ogaysiis-Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo la kulmaya Jaaliyadda Somaliland ee dalka Sweden:

 

Ogaysiis--Ogaysiis Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo la kulmaya Jaaliyadda Somaliland ee dalka Sweden

Guddomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed 'Cirro' ayaa ku soo beegan dalka Sweden 29.03.06,  Isaga oo martiqaad ka helay xisbiga folk party ee dalkan Sweden. Martiqaadkaas oo uu ka dambeeyey ururka la yidhaahdo Ide' Uteveckling Centrum.
 

Haddaba  xafiiska jaaaliyadda  Xidhiidhka Guud ee  Jaaaliyaddah Somaliland Iyo Xisbiyada UCID, KULMIYE Iyo UDUD iyo ururka haweenka Somaliland,oo si wada jira u soo qabaanqaabiyey kulan ballaadhan oo ka dhici doona magaalada Stockholm  Waxay ogeysiinayaa dhamaan shacbiweynaha reer somaliland ee ku dhaqan dalka Swden iyo hareerahiisa in Guddomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed 'Cirro' uu la kulmidoono jaaliyadda reer somaliland  ku nool Sweden .Isaga oo siin doona warbixin ku saabasan xaaladada dalku  maraeyso iyo geedi socodka dimuqraadiyada..

Sidaas daraadeed waxa uu xafiiska Xidhiidhka Guud ee  Jaaaliyadda Somaliland ugu baaqayaa in dadweynaha sharafta leh ka soo qeybgalaan munaasabadaasi qaaliga ah,  waqtigana dhawraan.

kulanku wuxuu ka dhici doonaa xaafada Husby ee magaalada Stockholm Gaar ahaan HUSBY TRÄFF maalinta Sabitda Taariikhduna tahay 010406 saacada 14:00 amaba labada galabnimo. 

 Wixii faahfaahin ah kala xidhiidh:

Hassan Saleebaan: Tel; 0735610899

Faisal Cadami:      Tel: 0762752547.

Alaa Mhadleh:


Guul iyo Gobanimo Somaliland-bay u sugnaatay
.
 

Ucidprty cadami

 



Go back to the main page