Justice and Welfare Party (UCID)

 


Shirweynihii Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID) oo maanta Guriga shaqaalaha ka bilaabmay

Hargeysa, Somaliland (UCID)



(Warbixin ku saabsan shir-Weynihii 2aad ee xisbiga UCID oo maanta July 25 ka bilaabmay Guriga Shaqaale ee Hargeysa)

UCID 2006-07-25 ( JUMHUURIYADA SOMALILAND )
Republic of Somaliland



--------------------------------------------

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Somaliland ee UCID ayaa shirweynihiisii labaad maanta ku qabsaday Xarunta Hayada Shaqaalaha dawlada ee Magaalada Hargeysa.

Shir-weynaha Xisbiga siyaasiga ah ee UCID oo socon doona muddo Sadex maalmood ah, waxa lagu dooran doonaa Madaxda hogaaminka Sare ee Xisbiga, Guddida Fulinta iyo Golaha dhexe.

Xaflad si weyn loo soo agaasimay oo lagu maamuusayey furitaanka shirkan waxa ka soo qeyb galay Masuuliyiin ka socotay Sadexda Xisbi Qaran, Shirgudoonka Golaha Wakiilada, Maayar Ku Xigeenka Caasimada Hargeysa, Mudanayaal ka tirsan Golaha Golaha Wakiilada, Madaxda Sare ee Xisbiga, Ergooyin ka socday Gobolada iyo Degmooyinka Dalka & Laamaha Xisbiga ee Debada.

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo munaasibadii furitaanka shirka hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey ka waramay sooyaalkii iyo heerarkii kala duwanaa ee ay soo mareen Xisbiyada Siyaasada Somaliland, isagoo xusay in lagaga gudbay nidaamkii beelaha, waxaanu sheegay inay sharci tahay in shantii sanadoodba mar la qabto shirweyne lagu dooranayo hogaanka sare ee Xisbiyada.

Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Somaliland ee UCID oo ka hadlayey isbedelka cusub ee koonfurta Somaliya waxa uu sheegay inay dawlada la'aanta Somaliya ka jirtaa ay dhibaato ku hayso bulshada reer Somaliland, isagoo xusay inay Maxkamadaha shareecada ee gacanta Magaalada Mugdisho iyo meelo kale oo Somaliya ka mid ah ay nabad la taaban karo ku soo dabaaleen deegaanada ay ka taliyeen, waxaanu uga digay inaanay farogelin horumarka ay Somaliland gaadhay.

Gudoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee KULMIYE Muj. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo isna munaasibadaa ka hadlay ayaa sheegay in dimuqraadiyada dalka ka hirgashay iyo hanaanka xisbiyada badani ay saamaxday in lagu dhaqmo Shuruucda u dejisan, waxaanu balan qaaday in Xisbiga KULMIYE qabsan doonaan Shir-weynahooda.

Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa kaloo ka hadlay xaalada koonfurta Somaliya waxaanu sheegay in xaalada Geeska Afrika ay saamayn ku yeelanayso Somaliland, isagoo tilmaamay KULMIYE ahaan ka soo horjeedaan inay Itoobiya dagaal ku qaado Somaliya, waxaanu ugu baaqay kooxaha ku loolamaya siysaasada Somaliya inay isu tanaasul iyo miis dushii ay ku dhameeyaan wixii ay kala tabanayaan.

Gudoomiyeyaasha Xisbiga UCID ee Gobolada iyo Degmooyinka dalka ayaa iyaguna munaasibadaa ka jeediyey warbixino ay madaxda xisbiga ka siiyeen xaalada deegaanada ay ka yimaadeen iyo waxyaabihii u qabsoomay intii ay xilka hayeen.

Fanaaniinta qaranka ayaa iyaguna munaasibadaa furitaanka shirweynaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ku soo bandhigay heeso iyo riwaayad ay ku muujinayeen dimuqraadiyada dalka ka hano qaaday iyo kaalinta uu Xisbigu kaga jiro horumarka Shacbiweynaha reer Somaliland, Xisbiga UCID ayaa ah xisbigii u horeeyay ee shirweynihiisa labaad qabsada tan iyo markii lagu dhawaaqay xisbinimadiisa.

 



 

Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID)

Jamhuuriyadda Somaliland

www.ucidparty.com

 

 

 


Source -

UCIDMEDIA





 


 

 


 

 

UCIDPARTY.COM