Justice and Welfare Party (UCID)

 


Shirweynihii Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka UCID oo maanta Guriga shaqaalaha ka bilaabmay

Hargeysa, Somaliland (UCID)



(Shir-Weynihii 2aad ee xisbiga UCID oo maanta July 25 ka bilaabmay Guriga Shaqaale ee Hargeysa)

UCID 2006-07-25 ( JUMHUURIYADA SOMALILAND
Republic of Somaliland


Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka
UCID
Justice And Walfare Party
----------------------------------------------------------------------------------------

Shirweynihii labaad ee Xisbiga UCID, ayaa Maanta si rasmiya uga furmaya magaalada Hargeysa.
Shirweynaha oo ay ka soo qayb galayaashu 350 ergay oo 250 dalka gudihisa ka kala yimadeen, halka 100 kalena ka yimaadeen dalka dibadiisa.
Waxa shirweynahan la filayaa in lagu doorto guddida fulinta iyo Golaha dhexe ee Xisbigaasi, iyada oo lagu qabanayo hoolka shirararka ee guriga shaqaalaha dawlada ee magaalada Hargeysa.
Shirweynaha xisbiga UCID oo ah kii labaad ee xisbigaasi uu qabsado, iyadoo uu xisbigan yahay kii ugu horeeyay saddexda Xisbi Qaran ee qabsada shirweynihiisii labaad.
Shirweynihii hore ee xisbigan oo la qabtay shan sano ka hor waxa la filayaa in ay ka soo qayb galaan oo kale taageerayaal badan oo xisbigaasi ah, iyadoo shirweynaha xisbigani socon doono 3 Maalmood.

 



 

Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID)

Jamhuuriyadda Somaliland

www.ucidparty.com

 

 

 


Source -

UCIDMEDIA





 


 

 


 

 

UCIDPARTY.COM