SIYAASADDA DIBADDA EE XISBIGA:



Xisbigu wuxuu ogol yahay ixtiraamayaa Axdiga UN-ta iyo OAU-da, iyo Xeerarka Caalimiga ah wuxuu ixtiraamaayaa wax alaaliyo wixii heshiisyo caalami ah iyo Gobol ah. Wuxuu xisbigu u taagan yahay xoojinta nabadgelyada aduunka iyo ilaalinta cimilada iyo deegaanka dunida.

Xisbigu wuxuu soo dhawaynayaa isku dhawaanshaha iyo wax wada qabsiga Aduunka (Globalization). Isla markaa xisbigu ma ogolaanayo wixii wax u dhimaya Diinta Islaamka, Dhaqanka Islaamka iyo Qaranimada Ummada. Xisbigu wuxuu iska caabiyi doona waxii ixtiraam daro ah iyo farogalin arimaha gudaha ee dalka ee kaga yimaada Shirkadaha Caalimiga ah ee waaweyn ee Hantigoosadka (International Multinational Companies), iyo Shirkadaha waaweyn ee Iskashatooyinka (International Cooperatives). Xisbigu wuxuu iska caabiyi doonaa wax alaaliyo wixii cadaadis ah ee kaga yimaada wadamada xooga waaweeyn ee wax udhimaya sharafta iyo karaamada dadka iyo dalkaba.

Xisbigu wuxuu soo dhaweynayaa isku soo dhawaanshaha Caalamka (Globalization) iyo wax wada qabsiga aduunka, dhinaca kalena marna xisbigu ma ogolaandoono wixii qaranimada iyo madaxbanaanida ummada wax yeelaya. Xisbigu wuxuu wax kastaba ka saraysiin doonaa ilaalinta iyo xafidaada Diinta Islaamka iyo dhaqankeeda. Tiiyoo xor loo yahay in la helo wararka (information) iyo wargeysyada aduunka ayaan la ogolaandoonin waxii wax u dhimaya dhaqanka Islaamka iyo Asluubtiisa.

Waxaa la samayn doonaa sharciyo ilaalin doona xuquuqda muwaadiniinta ee ka shaqeeya shirkadaha Ajnabiga iyo caafimaadka iyo nabadgelyada hooyga shaqada. Waxaa laga ilaalin doona shaqaalaha reer Somaliland in ay ku dhacdo Dhiigmiirasho iyo dulaysi. Waxaa la samayn doonaa sharciyo u gaar ah haweenka shaqeeya oo siinaya xuquuq dumarka u gaar ah. Waxaa laga ilaalin doona in shaqo dumis ku keento qoyska reer Somaliland.

Inkasta oo uu xisbigu dhiirigalinaayo isla socodka alaabta iyo hantida ee aduunka hadana si aanay u dhicin Qaskii Dhaqaale ee Asia 1998 (Asia Economic Crisis) iyo kii Raashia waxaa xaq uu u leeyahay Banka Somaliland in uu faragaliyo Socodka iyo sarifka lacagta qalaad. Siyaasada Dibada ee xisbigu waxay ku salaysantahay wax wada qabsi, sinaan iyo is-faragalin la’aan. Xisbigu ma ogolaan doono siyaasadii dadka reer Somaliland raali ka ahayn kana soo horjeeda danta ummada. Markastaba xisbigu wuxuu ixtiraami doonaa kana turjumi doonaa rabitaanka ummada. Xisbigu wuxuu kula dhaqmi doonaa aduunka siyaasada furfuran oo ku salaysan iskaashi dhaqaale iyo Tignoolajiyad Cusub. Xisbigu wuxuu dhiiri galindoona gancasiga cilmiga ku dhisan oo aan asqaynin baayac mushtariga wadaniga ah. Waxaa la ilaalin doona danaha ganacsiga iyo hantida ganacsatada Somaliland. Waxaa lagu dhiiri galindoona ganacsatada shisheeyaha in ay la shuuraakoobaan ganacsatada wadiniga.

Xisbigu wuxuu soo dhawaynayaa Urur Goboleedka IGAD, waxaanu ku dadaali doonaa sida ugu dhakhsaha badan ee Somaliland xubin uga noqon lahayd. Xisbigu wuxuu ka shaqayn doonaa sidii wadamada IGAD iyo guud ahaan wadamada Afrikada Bari u yeelan lahaayeen xidhiidh wanaagsan loona dhamays tiri lahaa wixii khiilaaf siyaasadeed ah ee ku dhex jira, si ay suuragal u noqoto waxaa wada-qabsi iyo ganacsi caafimaad qaba. Xisbigu wuxuu dhiirigalindoonaa ganacsiga xora ah "Free Trade and Flow of Goods and Capital" iyo qulqul qalab iyo lacageed oo dhex mara wadamada IGAD.

Somaliland iyo Itoobiya waxay wada samaysan doonaan gudiyaal ka masuul ah wax iskaashiga labada dal. Maadaama Itoobiya aanay lahayn soohdin badeed waxay Somaliland ka gargaari doontaa gacanna ka siin doontaa sidii Itoobiya u isticmaali lahayd dekadaha Somaliland. Itoobiya oo ay ku noolyihiin dad lagu qiyaaso 60 malyuun beeralayna u badan, Somaliland waxay u tahay suuq cidna aanay kula tartami jirin, hadii loo helo siyaasad cilmiyaysan oo miisaaman. Somaliland oo la lahaan jirtay Itoobiya gancasi soo jireen ah, wuxuu xisbigu ka shaqayn doonaa sidii loo soo celin lahaa loona casriyayn lahaa. OODBA AB KA DHOW, inaga oo ka shiish qaadanayna maahmaahda Somaliyeed xisbigu wuxuu u taaganyahay isku soo dhawaanshaha labada dal ee dariska ah Somaliland iyo Itoobiya. Xisbigu wuxuu ku dhaqaaqi doonaa Taalaabo kasta ee aan wax u dhimayn qaranimada iyo karaamada Somaliland ee ah danta ummada iyo stratejiyada dalka. Xisbigu wuxuu ilaalin doonaa danta ummada reer Somaliland.

Xisbigu wuxuu u taagan yahay sidii uu kaalin firfircoon uga qaadan lahaa siyaasada aduunka. Xisbigu ma noqondoono soo raac ee wuxuu noqondoonaa hogaamiye marka laga hadlaayo xaalada aduunka. Xisbigu wuxuu dejin doonaa siyaasad qeexan oo ku salaysan aragti iyo u fuq-dheer oo is ku miisaaman, joogtana ah.

Xisbigu wuxuu qaadi doonaa Afti/Referendum in Somaliland ku biirto Ururka Jaamacada Carabta iyo in kale. Isla markaa xisbigu wuxuu ka shaqayn doonaa sidii Somaliland dib uga naqon lahad xubin Ururka Barwaaqo Sooranka "Common Wealth", oo ay wayday markay la midowday Somaliya 60kii.

Xisbigu wuxuu soo afjari doonaa dhacii iyo xuquuq la'aantii lagu hayay dadka reer Somaliland ee ka xoogsan jiray dalalka Gacanka Carabta. Dadkaas oo loo caadaystay in la dhaco haddii ay hadlaana la soo masaafuriyo. Waxaa kaloo xisbigu baadi dooni doonaa dadkii ganacsatada xoolaha ee lagu dhacay xoolahoodii dalka Yaman markii aan dalkeena la aqoonsanin.

Waxaa xisbigu dib u furi doonaa dacwadii dadkii dawlada Sacuudigu soo mustaafurisay ee ay magaalada Berbera ku soo qubtay sanadkii 1988kii markii dagaalka xorayntu ka socoday Somaliland, dadkaas oo ay Faqash ku dishay magaalada Berbera tiiyo u ammarka bixiyey Aden Gobyaw oo markaa ku sugnaa magaalada Bebera isaga oo ahaa Wasiirka Gaanshaandhiga ee Faqashta markaa.

Xisbigu wuxuu sidaas oo kale u samayn doona GODIDA dabagalka iyo soo qab-qabashada gacan ku dhiiglayaashii ka dambeeyay xasuuqii dadka reer Somaliland iyo buburinta magalooyinka Hargeysa iyo Burco. Xisbigu wuxuu qaadi doonaa hab kasta mid cad iyo mid qarsoonba oo dadka sharciga loo keeni lahaa.

Maadaama oo xasuuqii dadka reer Somaliland uu ahaa kii ugu horeeyey ee ka dhaca Aduunka intii ka dambeysay dagaalkii labaad ee aduunka, kana horeeyay kii Ruwaanda, Bosniya iyo Kosovo, laakiin waayay wax u hadla, xisbigu wuxuu ku qasbi doonaa UN-ka inay ay arintaa xasuuqa dadka reer Somaliland kala mid dhigtaa kuwa kale ee ay gacanta ku hayso maxkamada caalamku.

Xisbigu wuxuu kale oo uu ka shaqayn doonaa sidii loo baadhi lahaa maxkamadna loo keeni lahaa dadkii ka dambeeyay xasuuqii ka dhacay maqaaxdi Hargeysa ku taalay sanadkii 1994 aakhirkii sidii lagu dilay todobada qof ee ka mid ahaa Muj. INA CADAMI. Arintaas oo ahayd wax ku cusub dhaqankeena aad iyo aadna argagixiso u ahayd, waxaa lama huraan ah in xisbigu dhacdadaa foosha xun naxdintana leh la baadho, si aanay dib waxaas oo kale u dhicin.

Xisbigu wuxuu dib u baadhi doonaa dadkii ka soo jeeday Somaliland ee ka qayb gali jiray shirarkii shirqoolada ahaa ee looga dan lahaa in lagu mijaxaabiyo jiritaanka Somaliland. Dadkaas oo siday u kala danbi wayn yihiin laba loo kala saari doono.

 

Waxaa kale oo la baadhi doonaa dadkii dowlada Jabuuti ku soo daadisay xadka Lawyacado iyo Geesdiir ee badhna Faqash dishay badhna cadceedu dishay.

Waxaa kale oo xisbigu dowlada Jabuuti kala xaajoondoonaa sidii dadka ka soo jeeda Somaliland ee ku noolaa Jabuuti ay xuquuq buuxda u heli lahaayeen. Saamigooda siyaasadeedna loo simi lahaa. Waxaa la furi doonaa dacwooyinka muwadiniinta Somaliland ee lagu dhacay dalalka Carabta iyo Jabuuti. Waxaa la bilaabidoonaa siyaasad dadka iyo dalalka lagaga raaridayo in dalkii qof reer Somaliland ah wax yeela la mid yahay inuu wax yeelay dalka Somaliland. Dowlada Somaliland waxay ku qasbantahay waajibna ku ah in ay gacan siiso muwaadin kasta oo xaq daro sheeganaya, dal kale amaba dad ajnabi ku sameeyay.

Xisbigu wuxuu kula dhaqmidoonaa daris wanaag reer Somaliya hadii ay ku guulaystaan in ay dowlad samaystaan. Haddii Ilaalahay ku guulaysiiyo dhismo qaran iyo dowladeed, wuxuu xisbigu u taaganyahay la xisaabtan dheer oo dalka la lala yeesho. Marka hore waa in ay ay ka soo baxaan shuruudaha.

*Waa in ay gacan ka gaystaan sidii ay gacanta Somaliland u soo galin lahaayeen gacan ku dhiiglayaashii ka masuulka ahaa xasuuqii la gula kacay dadka reer Somaliland.

*Waa in ay ka qaadaan masuuliyadda qofkii kacan ku lahaa xasuuqa reer Somaliland heer kast ha joogeene.

*Waa in laga heshiiyaa sidii loo heli lahaa hantidii 30ka sano dadka Somaliland ku yeesheen Koonfur J. Somaliya.

*Waa in ay joojiyaan isticmaalka wax alaaliyo waxii ka soo jeeda Somaliland ee gaar u ahaa 60kii ka hor, sida Emblaka Poliiska iyo Heesta Calanka iyo iwm.

*Waa in ay duusha u ritaan wixii dayn ah ee dowladii Koonfuri ku lahayd madaxda laguna galay magac J. Somaliya laxaadkeeda, madaama kharashka amba amaahda badankeeda ay jeebka ku shubteen madaxdii siyaasada ee reer Koonfuri intii kalena la galiyey dhulka Koonfurta.

Haddii ay ku guulaysan waayaan in ay dowlad samaystaan. Somaliland waxay ku qasbantahay in ay beel-beel ula gasho heshiisyo, isla markaana sugtaa nabadgelyada dadkeeda iyo sugnaanta danteeda. Waxay iskeed u soo qab-qaban doontaa gacan ku dhiiglayaasha meesha ay ka joogan Somaliyaba. Somaliland waxay gacan daacad ah ka gaysandoontaa sidii looga samayn lahaa Somaliya dowlad loo dhanyhay oo ay heshiis ku yihiin dadka Somaliya. Maadaama Somaliland cid kastaba ka ogtahay mushkilada Somaliya waxaa ku waajib ah inaynu kacan aan dan gaar ah ka lahayn ka gaysato daacad ah.

Xisbigu wuxuu ka shaqayn doonaa sidii Carabta gacanta ugala bixii lahayd arimaha Somaliland iyo Somaliya. Waxaa dib loo baadhidoonaa xidhiidhkii Somliland iyo Carabta ee ku salaysnaa caadifiyada iyo mala'awaalka. Waxaa si qoto dheer loo baadhi doonaa xidhiidhka inaga iyo Carabta inoo dhexeeya iyada oo laga duulayo waxtarkii iyo ficilkii Carabta ee sanadihii Ururkii SNM iska caabiyey barnaamijikii Dabargoynta Isaaq ee Faqashta iyo sanadihii ka dambeeyay ridniinkii Taliskii Afwayne iyo la soo noqoshadii madaxbanaanidii Somaliland ee 18kii May 1991.

Xisbigu wuxuu jeexi doonaa dajina doonaa siyaasad qaran oo casriyaysan kana daba tagi doontaa sidii loo sixi lahaa waxii xumaaday 30kii sano ee Somaliland ku jirtay gacanta Somaliya. Waxaa la soo celin doonaa lana howl gelin doonaa khubaro ku xeel dheer Cilmiga Siyaasada "Political Science". Waxaa la dhisi doonaa Wasaarad Arimo Dibaadeed oo casriya kana shaqeeyaan dad aqoon u leh diblomaasiyada iyo xeerka caalamka "International Law". Waxaa la soo afjari doonaa wakhtigii qofka loo gayn jiray shaqada in uu mushahar ka helo.

Xisbigu wuxuu samayn doonaa Wasaarada Arrimaha Dibadda oo ka masuul ah danaha dadka ka soo jeeda Somaliland ee ku nool dalka dibadiisa. Waxa taas oo ka masuul noqon doonta ilaalinta iyo dhowrista hantida iyo xuquuqda dadkaas. Safaaradaha Somaliland waxa lagu amri doonaa inay naadiyo (Clubs) oo sameeyaan Qurba joogta Somaliland.

Waxaa kale oo ay Waasaaradu samayndoonataa wax wada Qabsiga Caalamka "International Cooperation Department". Waxay wax ka shaqayn doontaa sidii Somaliland aduunka wax ugala qabsan lahayd kana mid noqon lahayd mooshinkan "Globalization" isdexgalka iyo isku xidhnaanta aduunka waa qayb ka mid ah habka loo horumarinaayo bulshada Somaliland "World Integration & Interconnectedness of The World is the Way of Developing the Somaliland Society".

Waaxdani waxay ka masuul noqon doontaa shaqada Ururada aan dowliga ahayn "Non-Governmental Organizations NGOs", ee wadani iyo caalamiba "National and International". Waaxdu waxay ku tala-gali doontaa kharash ay Ururada wadanigu "Local NGOs" ku qaban lahayeen mashaariicda horumarinta dalka. Waxaa la dhiiri-gelindoonaa sidii Ururada Rayidka ahi "Civil Organizations" aqoontooda iyo hantidoodaba bulsho kor loogu qaadi lahaa, si ay gacan uga gaystaan horumarka iyo casriyaynta dalka.

 



Go back to the main page