Xisbigu dib u habayn iyo dib u qorshayn ayuu ku
samayndoonaa Waasaarada Guudaha. Waxaa loo bixindoona –Waassaarad
Guudaha iyo Nabadgelyada. "Ministry of Interior and
Security".
Waasaaradu waxay ku shaqayndoontaa siyaasad iyo
barnaamij furfuran "Decentralised policy". Siyaasada guud
mooyaane, gobol kaastaba isagaa u madax banaan siyaasadiisa gudaha iyo
habka kobciinta dakhligiisa iyo maamuulka adeega guud. Gobal kastaa
isagaa u xor ah qaabka daryeelka dadkiisa iyo siyaasada maamuulka iyo
maaraynta ku waajahan Waxbarashada, caafimaadka daryeelka iyo sugida
nolasha bulshada.
Waxaa la dhisi doonaa xoog nabadgelyo (Police
Force), oo loo carbiyo sugida iyo ilaalinta nabadgelyada muwaadinka
iyo hantidiisa. Boolisku wuxuu ilaalindoona distuurka iyo shariciga
dalka, wuxuu marmar isticmaalidoonaa xoog si uu u fuliyo sharciga. Qof
ka saareeyaa sharciga majiro darajo kasta iyo awood dhaqaale kastaa oo
uu leeyahay. Dadku shariga hortiisa waa loo simanyahay sida Ilaahay
loo gu simanyahay.
Booliiska waxaa loo tababari doonaa sidii uu u
caawin lahaa dadka nugul sida caruurta iyo dadka waaweyn. Waxaa la
samayndoonaa boolis bulsho u shaqeeya kana mid ah dad waynaha. Waxaa
la samayndoonaa boolis noqda mid lagu hamiyo in laga mid noqdo oo lagu
biiro. Booliska waxaa laga xulandoonaa dugsiyada seri. Waxaa la soo
afjaridoonaa Booliskii ka koobnaa askari aan waxna qori jirin waxna
akhriyi jirin. Waxaa la soo afjaridoonaa booliskii dadku u qabeen
cadaw bulsho, waxaa la xaqiijindoonaa in boolisku yahay nabada lagu
seexdo. Waxaa la samayndoonaa barnamijyo dadka iyo boolisku iska
kaashadan doono si loo sugo nabad gelyada magaalooyinka waawayn. Waxaa
la samayndoonaa laamo gaar u ah ilaalinta hab dhaqanka booliska iyo
habka uu ula dhaqmo muwadiniinta.
Wuxuu xisbigu ku dadaalidoonaa sidii kor loogu
qaadi lahaa aqoonta ciidanka booliska, si loo hirgaliyo himilada waxaa
lagu dhaqaqi doonaa sidii loo samayn lahaa sidii waxbarashada ciidanka
nabedgalyada boolisku u dhismi lahaa Machad Boolis, waxaa kor loo
qaadi doonaa tayada iyo waxbarashada dugsiga booliska ee Mandheera.
Waxaa la samayndoonaa boolis xirfad leh ku dheehantahay asluub iyo
akhlaaq Muslinimo, ciidan dadku u arko saaxiib ee aanu u arag cadow.
Si loo xoojiyo nabad gelyada shacbiga loona helo
dambiilaha sida ugu dhakhsaha badan waxaa la samaynayaa Hay'ada
Baadhista ee Qaranka "National Invisigation Agency", waxay
badalidoontaa CID. Hay'adu way madax banaanaan doontaa waxaanay la
shaqayndoontaa Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Ma jiridoonto cid
joojin kartaa baadhis ay bilaabaan. Hay'adu waxay ka mas'uul tahay
baadhista dambiyada ka dhaca dalka gudihiisa. Waa hay'ada ugu saariysa
ee baadhista dambiyada, si xor ah oo madax banaan ayay u gudan doontaa
howlaheeda.
Waxaa kaloo la samayndoonaa Hay'ada sirdoonka ee
Qaranka "National Intelligence Agency - NIA". Hay'adu waxay
ka shaqayndoontaa ilaalinta nabad sugida qaranka. waxay ku shaqa
leedahay ilaalinta cadawga shisheeye ee ummada iyo dalka. Waxay
ururindoontaa wararka sirta ee dalalka shisheeye. Arrimaha dalka
gudihiisa waxay shaqo ku leedahay majirto.
Waa hay'ad madaxbanaan hoos imandoonta Madaxweynaha
dalka. Waxay ku shaqayndoontaa hab qarsoon. Dadka ka shaqeeya
magacyadooda waxay ahaandoonaan qarsoodi.