Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo Kulan Balaadhan La Yeeshay Jaaliyada SOMALILAND ee Magaalada STOCKHOLM Iyo Madaxda Arimaha Dibada Ee Dalka SWEDEN:





Stockholm (UCID)Wefti uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga UCID, Inj. Faysal Cali Waraabe, ayaa bookhday magaaladan Stockholm wiiggii hore. Socdaalkan oo qeyb ka ahaa socdaallo dhowr ah oo uu gudoomiyuhu ku marayay dalalka waqooyiga Yurub ayay ahayd goobtii ugu dambeysay ee uu ku khatimo socdaalkiisa.

vvvv

Gudoomiyuhu, intii uu joogay magaalo madaxda dalka Sweden, wuxuu kulan la qaatay Danjire cusub oo loo magacaabay dalalka geeska Afrika oo la yidhaahdo Marita  FaleŽn. Danjiraha oo loogu magac daray ergayga gaarka ah ee dawladda Sweden ee geeska Afrika, waxay dawladda Sweden ku xoojisay siyaasaddeeda ku aadan geeska Afrika iyo guud ahaan arrimaha Somalida, oo ay Sweden, si aan la qiyaasi karin, muddadii dambe iskugu hawshay.

vvvv

Kulankan uu Inj. Faysal la yeeshay Ergayga gaar ahaaneed ee dalka Sweden ee Geeska Afrika, wuxuu noqday madaxii kowaad ee ay kala kulanto dalkii la isku odhan jiray Somalia, waxayna labada dhinaca is weydaarsadeen warbixinno iyo fikirado.

vvvv

Gudoomiyaha UCID, wuxuu si qoto dheer ugaga waramaya Marita, dimuquraadiyada curdinka ah ee ka hana qaaday Somaliland iyo guud ahaan, mowqifka biyo kama dhibcaanka ah ee ay taagan yihiin dawlad iyo shacbiba dadka reer Somaliland.

Sidoo kale Marita, iyana waxay Faysal iyo weftigii UCID ee la socday, uga warantay inay shaqadan ku cusub tahay, laakiin ay waayo aragnimo badan u leedahay meello Somalia oo kale ah, oo ay ka dhaceen dhibaatooyin faraha lagaga gubtay. Run ahaantiina ay doonayso inay si wax ku ool ah, uga shaqo gasho.

Sidoo kale, waxay u sheegtay weftiga inay Somaliland ka maqashay amaan badan oo bulsha weynta caalamku ka bixiyeen Somaliland iyo dimuquraadiyada iyo nabadda ka jirta. Waxay ballan qaaday inay doonayso, nafteedu inay soo bookhato, Somaliland sida ugu dhakhsaha badan, ula yeelatana xidhiidh wacan dawladda iyo shacbiga Somaliland.

vvvv

Guddoomiye Faysal, intii uu joogay Stockholm, waxaa kale oo u suurtogashay inuu la kulmo  dadweynaha ka tirsan Jaaliyadda Somaliland ee ku nool magaaladan Stockholm. Wuxuuna siiyayay warbixin dheer oo la xidhiidha xaaladda iyo marxaladda uu hadda marayo dalkii hooyo. Wuxuu si guud ugaga waramay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ay ku dhaga taageen iyo dhibaatooyinka guud ee horumarka Somaliland hakiyay.

vvvv

Waxay iyana dadweynihii nasiibka u yeeshay inay kulankaas ka soo qeybgalaan, weydiiyeen Faysal Cali Waraabe, su'aallo badan oo ay gucanayeen, oo la xidhiidha xisbiga uu hogaanka u hayo iyo guud ahaanba dalka hooyo, oo dhinacyo badan lahaa.

Ugu dambeyntii waxaa uu shirkaas ballaadhan ee Gudoomiyaha Xisbiga UCID la yeeshay bulshda Somaliland ee ku nool Stockholm ku soo dhammaaday jawi iyo faraxan badan.

Ahmed Abdillahi Awale

 

Ucidprty cadami

 



Go back to the main page