"Gudoomiyaha Golaha Wakiilda
JSL Oo Kulan La Yeeshey Mayarka Casimada Sweden”:
STOCKHOLM SWEDEN Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane Abdirahman Mohamed Abdullahi oo
booqasho ku joogay dalka Sweden oo lakulmay Maayarka caasimada sweden ee
Stockholm mudane Barry Andersson
Maayarka Caasimada Sweden ee Stockholm mudane Barry Andersson ayaa maalintii
arbacadii 29 maarso 2006 gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland mudane
Abdirahman Mohamed Adbillahi ku qaabilay guriga looga taliyo caasimada Stockholm
ee la yidhaahdo
( Stockholm City Hall). Kulanka oo ahaa mid si aad uheersareysa loogu soo
dhaweeyey gudoomiyaha iyo xubnihii la socday, ayaa Godoomiayaha Golaha wakiiladu
warbixin buuxda oo dhinacyo badan taabanaysa ka siiyey maayarka Stockholm
xaalada wadanka Somaliland.
Gudoomiyuhu waxa uu ku bilaabay warbixintiisa taariikhdii Somaliland oo uu ka
soo bilaabay sanadkii 1884-kii oo ahaa xiligii Somaliland lagashay wadanka UK
xeshiiskii maxmiyada. Gudoomiyuhu sidoo kale wuxuu uga waramay Maayarka in
Somaliland ay ahayd wadan madaxbanaan oo xubinka ahaa kursina ku lahaa golaha
qaramada midoobay. Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu ka warbixiyey in Somaliland ay
iyadoo dawlad madaxbanaan ah iskeed ula midawday Italien Somalia. Mudane
Abdirahman wuxuu uga waramay Maayarka dhibaatooyinkii isdaba jooga ahaa ee
shacabka reer Sl ka dhaxlay midnimadii iyo walaatinimadii ay raadinayeey.
Gudoomiyuhu waxa uu si cilmiyeysan uga warbixiyey cadaadiskii fooshaxumaa ee loo
geystay shacabka reer Sl mudadii maamulku ka dhexeeyey Somalia. Burburkii iyo
dagaalkii xoreynta dalka ayuu aad uga waramay gudoomiyuhu. Sidoo kale Mudane
Cabdirahman wuxuu ka waramay shirkii Burao iyo dib ula soo noqoshadii
madaxbanaanida Sl. Ugudanbayntii Gudoomiyuhu wuxuu aad ugu dheeraaday horumarka,
demoqraadiyada, nabada, deganaanshaha iyo kala danbaynta kajirta SL.
Gudoomiyuhu wuxuu sidoo kale ku nuuxnuuxsaday sida ay bulshada caalamku uga
indhoqarsatay horumarka iyo demoqraadiyada shacabka reer Somaliland ku
guulayatay. Waxaanu ku booriyey maayarka iyo madaxda Sweden iyo tan midowga
Yuruba inay ku qiimeeyaan bulshada Somaliland waxay qabsatay isna barbartaagaan
shacabka reer Somaliland oo ah mid jecel demoqraadiyada ayuu yidhi gudoomiyuhu.
Maayarka Stockholm mudane oo si xiisa badan udhegeysanaayey hadalkii gudoomiyaha,
wajigiisana laga dheehanaayey qiimaynta uu siinaayo wax ka ogaanshaha taariikhda
iyo xaalada Somaliland, ayaa Gudoomiyaha iyo xubnihii la socday u sheegay inuu
aad ugu faraxsanyahay horumarka ay Somaliland ku talaabsatay. Maayarku wuxuu
sicad ugu wargeliyey gudoomiyaha iyo xubnihii la socday in uu diyaar u yahay in
uu wax laqabto shacabka reer Somaliland. Maayarku wuxuu balanqaaday in aan
maamulkiisu waxba kala hadhay Somaliland si buuxdaba uu isu barbartaagaayo.
Hadaladii maayarka waxaa ka mid ahaa, Sweden waxay jeceshahay demoqraadiyada,
ilaalinta xaquuqda aadmaha iyo cadaalada, sidaas daraadeed waxaanu saaxiib
lanahay cidii intaa jecel sida Somaliland oo kale.
Labadadhinacna waxay ku heshiiyeen in wadashaqayntu ay halkaas ka sii socoto,
waxaana loo saaran xubno ka socda bulshada reer Somaliland ee Stockholm oo qaar
kamid ah shaqaalaha maayarka. Kulankiina wuxuu ku dhamaaday farxay iyo is
afgarasho.
Xubnaha gudoomiyaha ku wehelinaayey shirka waxay kala ahaayeen
1)Mudane:Ibrahim Ali Adan oo xildhibaan ka ah golaha gobolka Stockholm, kana mid
ahaa xubnihii ku soo casumay gudoomiyaha dalkan Sweden.
2) Mudane: Hassan Suliaman Abdi ( Hassan Otto ) oo sidoo kale isna ka mid ahaa
xubnihii soo casumay gudoomiyaha golaha wakiilada
3)Mudane: Mohamud Abu-koodh oo gudoomiaya dalaayada jaaliyadaha Sl ee Sweden
4) Mudane: Abdirahman Sicii oo ah gudoomiyaha xusbi
Ucid
5) Marwo: Khadiija Baandare
6) Abdikariin Dalmar oo ka mid ah madaxda
TV-Somaliland Europé
7) Ali Mahamed oo isna sidoo kale ka mid ah Madaxda
TV-Somaliland Europe
Date 30/3-2006
Ibrahim Ali Adan
Our
porpose is
PEASE,
our password is
FREEDOM,
our aim is
QUALITY
Milgaheennu
waa NABAD,
Furaheennu waa
Xorriyad,
mabd'eenu waa
TAYO