Justice and Welfare Party (UCID)

 


 
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Munaasabadda 26 June, Eedayna Usoo Jeediyey M/weyne Rayaale
UCID— Hargeisa, Somaliland — 26 June, 2006



Hargeysa (UCID)-- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa xallay wuxuu hadal ka jeediyey xaflad ay soo qaban qaabiyeen hawl wadeenada Xisbiga UCID ee magaalada Hargeysa oo loogu dabaal degaayey munaasabadda 26 june, wuxuuna Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ka waramay taariikhdii dheerayd ee 46 sanno ka hor maanta oo kale, iyo reer Somaliland sidii dhibta yarayd ee callankooda ay afar maalmood gudahood uga tanaasuleen iyagoo markaasi doonaayay inay rumeeyaan ayuu yidhi riyadii hungawday ee Soomaali Weyn, wuxuu Mudane Faysal Cali Waraabe aad ugu dheeraday halgankii qadhaadha ee ka danbeeyey Xoriyaddaasi luntay.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe wuxuu aad ugu dheeraday dhibaatadii, tiiftii iyo Xasuuqii loo gaystay ummadda reer Somaliland markii ay ku hoos jireen gacantii Siyaad Barre, wuxuuna uga digay shacabka Reer Somaliland in khatar tii afweyne Barre ka weyni ay hadda inagu soo food leedahay loona baahanyahay ayuu yidhi in si weyn looga gaashanto, dhinaca kale Eng. Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga UCID wuxuu dhaleecayn iyo eed dhabarka u saaray Madaxweyne Rayaale oo uu ku tilmaamay Casaabad aan dan ka lahayn ummadda iyo shacabka Somaliland Mudane Faysal Cali Waraabe isagoo taasi ka hadlaya wuxuu yidhi "Madaxweyne Rayaale wax kale iska daayo wuxuu karti u laayahay inuu magacaabo wasiiradii arrimaha gudaha, ganacsi iyo talliyahii ciidanka Booliiska oo jagooyinkoodu banaanyahiin, waa casaabad, ilaahayna waxaan ka baraya casaabadani inuu ummadda ka dhex qabto, Ina Rayaale iyo afar la mid ahi waxay dhiig miiranayaan shacabka, maalin walba waxbaa ka sii dhacaya halkii aynu sugaynay inay wax kordhaan, ummaddii oo sidii kale u liidatay ayaa shiidalkii lagu qaaliyey oo maceeshadii lagu qaliyeeyey, waxaynu u baahanahay tallo, insha allahu tacalana waynu ka tashanayna" ayuu yidhi Mudane Eng. Faysal Cali Waraabe.


  

 

Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID)

Jamhuuriyadda Somaliland

www.ucidparty.com

 

 

 


Source -

UCIDMEDIA





 


 

 


 

 

UCIDPARTY.COM