Justice and Welfare Party (UCID)

 


WAXA NAGU JIRTA RIYAALE MA KALA NOQOTAAN KALSOONIDA MADAXWEYNENIMADA, WAAYO... TALO ADDUUN WAXA UU KA BARTAY DIYAARAD UU RAACO.....

Stockholm (UCID)

Hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa waraysi khaas ah oo uu shalay la yeeshay Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin aragtidiisa go’aankii Golaha Wakiiladu ka gaadheen muddo kordhinta Golaha Guurtida, sida uu u arko Safarka Madaxweyne Rayaale ee Qaaradda Afrika iyo Marxaladda cusub ee ka soo korodhaysa dalka Soomaaliya.



Md. Faysal Cali Waraabe, oo habeen hore ka soo laabtay Magaalada Daroor ee Kililka Shannaad ee Soomaalida Itoobiya, oo uu laba goor safar ku tagay si uu ugu biiro dedaal nabadeed lagu dhex galayo laba beelood oo deegaankaas ku dagaalamay dhawaan, waxa uu sheegay in xiisadaas toddobaadkan la filayo in go’aan laga gaadho.

Waraysigaas Faysal Cali Waraabe, waxa uu u dhacay sidan:

Guddoomiye, Waxaad habeen hore ka soo noqotay Magaalada Daroor oo ahayd halkii ay ka jirtay Colaadii sida weyn loogaga gurmaday Somaliland. Arrintii halkay maraysaa horta?

Arrintaas Gacanta ayaa lagu hayaa, waxaanan filayaa inay ilaa Isniinta soo afjarmi doonto oo guddigii soo saari doonto go’aankii, labadii dhinacba waxay la yimaadeen nabad jacayl iyo wanaag markaas inay soo afjarmi doonto ayaan filayaa Inshaalaahu.

Oo Markaas ma guddigii loo saaray ayaa go’aankii soo saaraysa oo ku dhawaaqaysa?

Haa, 25 iyo 25 ayaa laga soo saaray labadii dhinac. Afartankii Guurtida ahaa ee dhexdhexaadinaysay ayaa dacwadoodii furtay oo dhagaysanaysay, ka dibna waxa lagu dhaariyay inay u hoggaansami doonaan go’aanka la gaadhi doono ee guddiga kaas ayaana lagu dhawaaqayaa.

Guddoomiye, waxa dalka ka jira Khilaaf Distoori ah oo salka ku haya muddo kordhinta Golaha Guurtida. Adigu sideed u aragtaa muddo kordhintaas?

Muddo kordhintu waa Xaaraan, ciddii rayiga keentayna waa qof aan dalka dan ka lahayn, waana qof doonaya inuu dalku muran gallo. Markaas waxaan leeyahay waa Xaaraan, shakhsi ahaan iyo xisbi ahaan waanu taageersanahay go’aankii Golaha Wakiiladu arrintaas ka gaadhay, waxaanan leeyahay ma soconayo ciddii damacda inay wadana way ku ceeboobaysaa shacbiguna ma ogola, shacbiga haddii aan la ixtiraamina ixtiraam ma imanayo. Masuuliyiintu waa inay sharciga ixtiraamaan oo ay u hoggaansamaan shuruucda. Waxaanu u aragnaa inay tahay khiyaamo umadda lagu sameeyay.

Mucaaradku dabcan way taageersanyihiin go’aanka Golaha Wakiilada, xukumadda iyo Guurtidana uma cuntamin. Markaas sideed u aragtaa in khilaafkaas lagaga bixi karo?

Waanu soo jeedinay in Guurtida aad loo darso oo aqoonyahano isu yimaadaan oo ay aad uga hadlaan, sida tiradooda, shuruudaha qofka soo galaya, miyaa la soo dooranayaa miyaa la magacaabayaa.? Isma haysanayno ee sharci ayaanu ku kala baxaynaa oo Distoor ayaa jira. Guurti aan la doorani maanta waxay Somaliland ku noqonaysaa Dimuqraadiyadii aynu wadnay Bar madow, adduunkuna waxay yidhaahdeen dib ha u noqonina ee hore u socda. Markaas nin aan dalka dan ka lahayn ayaa rayigan keenay.

Guddoomiye, dadka qaar ayaa leh UCID waxa doorkan ay murankan Distooriga ah ka istaagtay meel aan ahayn halkii lagu ogaa oo waxa lumay doorkii UCID ee dhexdhexaadka ahaa. Dadkaas maxaa ugu jawaabi?

UCID markasta waa dhexdhexaad. Maalin dhawayd waraaqo ayaanu u qornay Goleyaasha oo aanu leenahay hala isu yimaado oo saddexda xisbi, dawladda iyo labada gole ha ka tashadaan arrmimaha Geeska Afrika ka dhacaya. Haddii guurtida loo kordhiyo oo la isku raacsanyahay xumaan iyo ceeb maaha oo wixii la isla garto ee dan la moodaa ma xuma laakiin waan in Distoorka la waafajiyaa, oo maaha in nin keliyi dalka iska maamusho. Annagu UCID ahaan weligayo waxaan ilaalinaa danta Qaranka. Maanta waxaanu aragnaa in haykalkii Dawladadeed inoo samaysanyahay laakiin aanay dawladi jirin. Hadda UCID ahaan waxaanu ka fikiraynaa inaan Rayaale Madaxeynenimadiisa taageero sii siino iyo inaanu kala noqono. Hadda waxa nagu jirtaba ina Rayaale ma kala noqotaan Madaxweynenimadiisa!? Waayo, Rayaale shaqo uu qabanayaa ma jirto oo tallo adduun wuxuu ka bartay inuu diyaarad raaco oo uu iska maqnaado waxna keenin. Wasaarad qudha oo shaqaynaysaa ma jirto dalkiina wuu isku murugsanyahay waxaanan ku kala soconaa farsamo Alle iyo dadkeena oo Wanaagsane hoggaan Madaxnimo wuu dhammaaday haddii dalku laba sanno sidaas ku jirana waxaan ka yaabayaa inaan degnaba.

Markaas annagu weli dhexdhexaad ayaan nahay laakiin u ogolaan mayno inay koox yari Somaliland dumiso annaga oo sidaas u taagan waanan ka tashanaynaa oo wada tashigii ayaanu ku jirnaa.

Faysalow, Madaxweyne Rayaale iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa hadda socdaal Diblomaasiyadeed ku maraya Wadamo Afrika ka tirsan. Safarkaas sideed u aragtaa?

Safarkaas waanu taageersanahay waanan soo dhawaynaya, waxaanay ahayd in mar hore la bilaabo waana mi dloo baahnaa. Waxaanse codsanayaa inaanu noqonin sidii kuwii hore, dadkana waa in loo sheegaa wixii lagala soo kulmay safarkaas. Runtii waan soo dhawaynayaa safarkaas.

Isbedelada isdaba socda ee ka jira dalkii Soomaaliya, maaha kuwo la saadaalin karo oo maalinba waxa soo baxaysa arrin hor leh oo cusub. Isbedeladaas sideed u aragtaa?

Horta waxaan Illaahay ka baryayaa in isbedelkaasi nabad u keeno umadda Walaalaheen ah ee Soomaaliya, waanan soo dhawaynayaa awooda keliya ee dadku taageeray.

Annagu xisbi ahaan waxaanu taaganahay looma baahna ciidamo shisheeye waxaanan u aragnaa in keenistoodu xaaraan tahay. Waxa kale oo aanu xaaraan u aragnaa dalka Yemen oo Soomaalida dhibaato ku haya oo Somaliland dhibaato ku haya oo kalluunkeena urursada oo maantana hubka keenay Baydhabo. Yemen waxay jebisay xayiraadii hubka ee Soomaaliya saarnayd, haddana waxay leedahay waxbaanu dhexdhexaadinaynaa. Waxaanu uga digaynaa shacbiga Muqdisho inaanay Yemen soo dhawaysan waayo waa cadawgooda. Waxaanan jecelahay inay Miyir keenaan Maxkamaduhu oo dhulkooda nabad ka dhigaan shir qabsadaan oo dawlad samaystaan dib u heshiisina sameeyaan. Waxaan leeyahay ciidamo shisheeye iyo dawlad aan cidna matalin ma shaqayn karto.

Guddoomiye, waxa jira war war ay dadka Somaliland ka qabaan in Khilaafkan Distooriga ahi gaadhsiiyo Somaliland meel sare. Dadkaas war-warka ay qabaan mala qabtaa?

Anigu warwarkas waan la qabaa oo Faysal ahaan dalkeena oo dagaal sokeeye ka socda ayaan joogay haddana maanta maalin aan ka war war badanahay ma jirto.

Sababtu waxa weeye Somaliland ma hayso hoggaan ka daacad ah, waayo waa hoggaanka intuu ballan qaado haddana ka baxaya meeday Idaacadii, Darajadii Meeday, Xallinta Mushkiladii Laascaanood Meeday.?

Markii Rayaale London tagay oo aanu habeen wada cashaynay waxaan ku idhi ciidamadaasi yaanay halkaas {Adhi-cadeeye] ku daahin hadday ku daahaan ciidamadu way soo sibqi doonaan oo ciidan waa inuu xeradiisa ku jiraa ama dagaal ku jiraa. Wax war war ah oo Madaxweynahaas maanta Somaliland ka haya anigu kuma arag. Sida qof kasta oo shacab ahi uga war waro anigu Madaxweynaha kuma arag. Rayaale waxaan leeyahay amaanadu way culustahay ee amaano ayaa laguu dhiibay ee sideedii uga soo bax ama hoosaasiga ka daa. Dadkii doortay ayuu hadda Rayaale aflagaadeeyaa, waxaana nagu maqaalo ah inuu yidhaahdaa, ‘Beelo Reer Somaliland ah ayaan kala hayaa oo haddii aan ka baxo qaar ayaa is dilaya.’ Bal hadda ha tago inaanu is dilno iyo inaanu wax wanaagsan dhisano.

Source :Wargeyska Geeska Afrika


 

Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID)

Jamhuuriyadda Somaliland

www.ucidparty.com

 

 

 


Source -

UCIDMEDIA





 


 

 


 

 

UCIDPARTY.COM