Justice and Welfare Party (UCID)

 


"Waxaan qabaa inaynu marayno xaalad khatar ah, oo somaliland looga baahan yahay midnimo iyo wadajir"... xildhibaan Naasir Xaaji Cali

Stockholm (UCID)

Xildhibaan Naasir Xaaji Cali, Burco

Hargeysa(Geeska)- Xildhibaan Naasir Xaaji Cali, oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada, ayaa ku baaqay in khilaafka Distooriga ah ee u dhexeeya Goleyaasha Qaranka ee salka ku haya muddo kordhinta Golaha Guurtida lagu dhammeeyo wada hadal iyo is faham, si gacan iyo wakhti loogu helo in wadanka loo shaqeeyo wada jirna loogu jeesto isbedelada Geeska Afrika ka soo kordhay.

Md. Naasir Xaaji Cali, waxa uu sidaas ku sheegay waraysi khaas ah oo uu shalay la yeeshay Weriye ka tirsan Geeska Afrika, waxaanu intaas ku daray baaq uu u diray xisbiga UCID oo uu ugu baaqay inuu kaalin muhiim ah ka ciyaaro xallinta khilaafka Distooriga ah ee taagan.

Waraysigaas oo dhammaystirani waxa uu u dhacay sidan:

Md. Naasir, Sideed u aragtaa khilaafkan Distooriga ah ee ku saabsan muddo kordhinta Guurtida ee ka dhex oogan Goleyaasha Qaranka?

Khilaafkan ka soo kordhay dhinaca Goleyaasha ee ku saabsan sharciyadda muddo kordhinta Golaha Guurtida waxaad moodaa in aragtiyo kala duwan laga qabo. Golaha Wakiiladu  ansixintuu ansixiyay go’aankii toddobaadkii hore waxa sal looga dhigay xeerka la yidhaahdo xeer 19, iyada oo Golaha Guurtiduna ay ku doodayaan inay mareen jid Distoori ah oo sax ah. Mudanayaasha ka soo jeeda xisbiga UDUB shirjaraa’id oo ay qabteen waxa ay ku doodayeen inaan xeerka 19 aanu jirinba. Guddoomiyaha Maxkamadda sare isna wuxuu sheegay inaanu xeer 19 jirin. Halkaas waxa ka muuqata in la isku hayo xeerkaas 19 iyo sharciyadiisa. Markaas maadaama aragtiyooyin kala duwan la qabo oo xeerka ku saabsan waxa wanaagsan in arrinta la dhex gallo oo labada garab ee is haya mooyee garabkaas kale uu hubiyo sharciyadda xeerkan muranku ka taaganyahay iyo sharciyadda loo kordhiyay mudada Guurtida, si aan murankani Somaliland wax ugu dhimin.

Waxa aan leeyahay waa in arrintaas si deg deg ah tallo looga gaadho si aanu wadanku u gelin khalkhal, waayo bulshadii way la socdaan murankan.

Naasir, sheekadu waa laba dhinac oo dhinac waliba ku doodayo anigaa Distoorka ku taagan, haddaba yaa dhex galaya ee arrintan xallin kara ee aad la hadlaysaa?


Arrinka ugu wanaagsan ee aan ku baaqayaa waa soo dhex galka, waxaanan baaqa koowaad u jeedinayaa bulshada reer Somaliland sida Salaadiinta oo maanta doorkoodii taaganyahay. Waxa kale oo aan soo jeedin lahaa in Guurtida iyo Wakiilada laga xulo xubno guddi Mudanayaal ah si ay u dhex gallaan arrintaas oo ay u dejiyaan.

Waxa kale oo aan baaq u dirayaa cid kasta oo arrintaas geli karta sida Akademiyadda ama cid kasta oo arrintan isu aragta inay wax ka qaban karaan.

Xildhibaan, Sideed u aragtaa Khilaafka Distooriga ah ee taagan iyo isbedelka Mandaqadda ku soo kordhay?

Anigu waxaan qabaa inaynu marayno xaalad khatar ah oo Somaliland looga baahanyahay Midnimo iyo wada jir si looga badbaado isbedeladda ka soo kordhaya dalkii Soomaaliya ee ay Somaliland xornimadeedii kala soo noqotay. Isbedeladaas waxa ka mid ah ciidamada shisheeye ee baarlamaanka Imbigaati ogolaadeen, Maxkadamaha Muqdisho oo aad u fidaya mana jiro wax ka xigaa Puntland, waayo ma qabo in Puntland iska caabin karto. Sidoo kale shirkii Midawga Afrika ee aynu la soconay codsigeenan gaynay fooda ayuu inagu soo hayaa, Madaxweynihii oo safar Diblomaasiyadeed u baxay marka la isu wada geeyo waxa muuqata khatar lagaga bixi karo Midnimo iyo wada jir iyo isu tanaasul.

Naasir, dadka siyaasadda Midawga Yurub la socdaa waxay sheegayaan in Talyaaniga oo kaashanaya Dalka Sweden ku hawlanyahay inuu dunida ka daboolo xaqaa’iqa siyaasadeed ee Somaliland ka jira. Adigu waxaad ka timid dalka Sweden, arrimahan maxaad kala socotaa?

Xaqiiqadu waxay tahay in Talyaanigu mawqifkiisi cadawtinimada ahaa aanu ka tanaasulin. Hase yeeshe arrinta ku saabsan Sweden sannadihii u dambeeyay aad ayay ula safnayd mawqifka Talyaaniga, laakiin wararkii u dambeeyay ee aan helay waxa uu sheegay in xaalku isbedelay.

Waxa dawladda Sweden samaysay xafiis loogu tallo galay Geeska Afrika, waxaana loo magacaabay gabadh toddobaadkii hore Somaliland ku timid, markii ay halkan timidna isbedel weyn ayaa ku dhacay. Jaaliyadayada Sweden ee dalka ku sugan ayaa martiqaad halkan ugu sameeyay waxaanay noo cadaysay inaanay Sweden aqoonsanayn dawladda Imbigaati, waxase ay sheegtay inay dawladda Sweden ujeedadeedu ahayd inay wax la qabto dad kasta oo baahan, waxaanay ballan qaaday inay heshay aragtiyo badan oo Somaliland ku saabsan, waxa kale oo ay ballan qaaday inay Sweden soo dhawayn doonto cid kasta oo Somaliland ka socota, waxaanay Tusaale u soo qaadatay in Wasaaradda Arrimaha dibadda dhawaan lagu qaabilay guddoomiyaha Baarlamaanka. Markaas ma qabo in Sweden hadda ku hawlantahay arrimo Somaliland lidi ku ah, laakiin dawladda Talyaaniga oo kaashanaysa wadamo Carbeed oo Afrika ku yaalaa ayaa ah kuwa ugu badan ee ka soo horjeeda Somaliland, waxaana muhiim ah in olole xoogan laga gallo.

Maxaad tallo ahaan soo jeedinaysaa, si looga baxo khilaafkan Distooriga ah?

Waxaan soo jeedin lahaa maadaama arrinka la isku hayaa yahay qaabkii muddo kordhinta loo maray waa sharci iyo maaha. Jawaabtayda ka hor marka la eego wakhtiga ka hadhsan mudadii doorashada waxa xaqiiq ah inaanay marna suurto gal ahayn in la doorto Gole Guurti oo cusub waayo sharcigii lagu dooran lahaa ayaaba aan diyaar ahayn. Ta kale markii Miisaaniyadda la samaynayay Golaha Wakiiladu waxa uuu ilduufay inaanay Miisaaniyadda ku jirin wax loogu tallo galay doorashada Golaha Guurtida.

Anigu xeerka lagu kordhiyay ma arag mana akhriyin, laakiin sida shirguddoonku noo sheegay waa xeer ka soo baxay golaha oo dhaqan galay, balse haddii muran ka taaganyahay waxa aan soo jeedin lahaa in la sameeyo dhinac kale oo xal ka gaadha.

Naasir, dhinaca xisbigaaga UCID, maxaad doonaysaa inaad tidhaahdo?

Xisbiga UCID haddii aanu nahay waxa aanu ku soo caano maalnay inaanu qaadanay dhawr goor tallaabooyin geesinimo leh sida maalintii laga horyimid in xisbiyo dalka loo sameeyo, xisbigii labaad ee isdiiwaan geliyay ee gidaarka dumiyay UCID ayuu ahaa. Maatana waxaan qabaa in UCID oo Mucaarad ah haddana looga baahanyahay geesinimo.

Waxa jira laba garab oo is qabsada oo ah KULMIYE iyo UDUB, markaas waxaan leeyahay UCID waa inay ku soo noqoto doorkii ay ciyaari jirtay markasta oo uu yimaado khilaaf islamarkaana qaadato door dhexdhexaad ah, sidaas ayaanan leeyahay guddoomiyaha UCID iyo guddiga fulinta ee xisbigayga.


Source: Wargeyska Geeska Afrika


 

Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID)

Jamhuuriyadda Somaliland

www.ucidparty.com

 

 

 


Source -

UCIDMEDIA





 


 

 


 

 

UCIDPARTY.COM