Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe oo Rayaale ugu Baaqay Dhismaha Xukuumadd Cusub oo kooban oo Tayo leh :







Stockholm (UCID)- Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin u soo jeediyay inuu soo dhiso dawlad xukuumad tiro yar oo tayo leh islamarkaana Maamulka wada gaadhsiiyo dalka oo dhan. Warsaxaafadeed uu Md. Faysal Cali Waraabe ka soo saaray dalka Sweden, ayaa waxa kale oo uu ku taageeray go’aamadii Golaha guurtida Somaliland dhawaan ka soo saareen kalfadhigoodii 28aad.

Warsaxaafadeedkaa Faysal Cali Waraabe oo dhammaystirani waxa uu u qornaa sidan:

“Xisbiga qaran ee UCID isaga oo ka duulaya xilka iyo masuuliyadda wadaniga ah ee saaran.

Annaga oo mar walba xasuusan halgankii dheeraa iyo hayaankii dalkeenu soo maray, annaga oo ku faraxsan tacabkii ummadda guulihii ka dhashay ilahayna ugu mahadnaqayna, annaga oo u aragna in muuqaalkii dawladnimo inoo dhamaystirtay doorashadii ugu dambaysay sawir aad u qurux badan oo indhaha aduunka soo jiitay uu inoo sawirmay,waxa qudha ee sawirkaa bilicdiisa ka dhiman tahay freemkii lagu soo iloxidhi lahaa, oo ah dawlada wanaagsan oo kooban,tayo iyo tamarba leh ,oo si fiican u hanata xilkii loo igmaday si aynu aduunweynaha ugu soo bandhigno ugana iibino qadiyadeena una gaadho himiladii aynu inta badan higsanayney, waana shardiga qudha ee maanta laynagu xidhi karo....

waxaa hubaal ah hadii danta guud loo midoobo, laguna dhaqmo cadaalad sharcigana la xushmeeyo golayaashuna wada shaqayn fiican yeeshaan in aynu dhakhso uga mid noqon doono dawladaha aduunka.waana xog nooga dhex muuqatay safarkii xubno ka tirsan xisiga oo uu hogaaminayey Gudomiyuhu ku so mareen wadamadda waqooyiga yurub,masuuliyiintaas lala kulmay dhamaatood

waxay ka midaysnaayeen in ay Somaliland dunidda saddexaad ka soo dhex baxday,xaqna u leedahay in laga taageero dhinac walba diyaarna ula yihiin,waxa qudha ee ay carrabka ku dhufanayeena ahayd dawlad wanaagsan oo nidamkeedii u dhan yahay oo lala xisaabtami karo,hanti dhowr iyo garsoor madax banaan leh, si musuqmaasuqa loo tirtiro, qorshe cad oo horumarineedna la timaada,

xisbiga ucid waxa uu halkan ku taageerayaa go.aamadii ay ka soo saareen golaha guurtidu kalfadhigoodii 28aad,ee ay kaga hadleen xaaladda uu dalku ku sugan yahay iyo talooyinkii ay ka soo jeediyeen sidii wax loo qaban lahaa, madaxweynahana Mudane Dahir Riyaale Kaahin waxaanu u

soo jeedinaynaa .

Arimaha hoos ku xusan oo xisbigu u arkay kuwo lagama maarmaan ah, Inuu oofiyo balanqaadyadii uu ummadda ugu balan qaaday ,oo ay ka mid ahaayeen.

1* Inuu soo dhiso dawlad tiro yar oo tayo leh oo taabo gal ah,maamulkana ku fidiyo dalka oo dhan .

2*. Cadaaladu waa aasaaska Nolosha iyo astaanta dawlad wanaaga. Si aynu uga badbaadno cadho alleh iyo ciqaab aakhtiro waa in degdeg wax uga qabtaa cadaalad darradda ku baahday dhamaan dalka iyo garsoorkiisa,sharciguna shaqeeyo loona sinnaado ,go,aamadda si dhaso ah loo fuliyo .

3.* Nabad gelyada. Nabad gelyaddu waa furaha horumarka ,waana ta aynu ku noolnahay cid ku gefi kartaana ma jirto nabad gelyo uu qof qudhi helis ku yahay laguma tilaami karo nabad gelyo

waa in gacan bira lagu qabtaa cidii isku dayda inay nabadgelyada wax yeesho,kuna dadaalaa sidii aynu u xoojin lahayn.

4*. Waa in Ciidamada darajo loo sameeyo si loo helo ciidan kala dambayn iyo nidaam leh aqoontooda iyo noloshoodana kor loo qaado,gunno ku filanna la siiyo,

5*In xuduuddaha sida ugu dhakhsaha badan loo sugo iyada oo loo marayo waddada ugu haboon, 6. In la keeno idaacadii mudada dheer la sugaayey si dalku iskugu xidhmo.7. In lacagta Somaliland degdeg loo gaadhsiiyo gobalada bari si loo joojiyo lacagaha garanwaaga ah ee la hadhay dhaqaalihii gobolada bari, iyagoo xambaarsan sicir barar.

8* Inuu sameeyo qorshe dhaqaale , siyaasadeed oo dawladu ku hawlgasho. gudo iyo dibedba si loo ogaado wixii inoo qabsoomay iyo waxa weli inaga qabyada ah, sida aynu wada ogsoonay sannadkii 2005 waxa lagu mashquulsanaa arimihii doorashada wax kale oo dalka laga qabtayna may jirin, hadaba waxa la soo gaadhay wakhtigii dadka wax loo qaban lahaa, loona cidhibtiri lahaa musuqmaasuqa baahay ee curyaamiyey kobocii dhaqaalaha dalka.

9*In siyaasada dibada la dardar geliyo si loo kasbado bulshaweynta caalamka ,waxaad moodaa in laga gaabiyey la xidhiidhka caalamka si aan qadiyadeena uga iibino,taasina kuma iman karto si sahlan ee waa in la badiyaa xidhiidhada iyo booqashooyinka . golaha wakiiladda waxaa laga dareemayaa gacan cuslaan ,waxaa looga fadhiya inay wakhtiga ka faa,iidaystaan oo hawlaha culculs ee hor yaala dhakhso u gudo galaan, waxa kale oo looga baahan inay sii diyaariyaan xeerarkii ay dawladu ku dhaqmi lahayd, lana xoojiyo awooda gudi hoosaadyada golaha si ay ula xisaabtamaan masuulkasta ,haday arkaan in masuulkaasi xilkii loo igmaday ka soo bixi karayn ay go,aan ka gaadhaan una soo gudbiyaan madaxweynaha si uu xilka uga qaado, oo danta umadda loo wada ilaaliyo.

Xisbiga ucid wuxuu u balan qaadayaa shacbiga inuu hiil iyo hooba la garab taagnaado dawladda sidii looga midho dhalin lahaa halgankeenii dheeraa,sidii aad horeba noga barateen,kuma taagna inuu mar walba dawlada mucaarad ku ahaado balse wuxuu ku garab taagan yahay dawlada wax kasta oo ummadda reer somaliland dan u ah. Allaa mahad leh.”



ucidinfo@gmail.com




Ucidprty cadami

 



Go back to the main page