Justice and Welfare Party (UCID)

 


Xisbiyada Mucaaridka Somaliland KULMIYE iyo UCID Ka Deyriyey Go’aankii ay Qaramada Midoobay ay Cuno Qabateynta Hubka kaga Qaadayeen Somaliya

Hargeysa, Somaliland (UCID)


 

Hargerysa (UCID):-Xisbiyada Mucaaridka Somaliland (Ucid iyo Kulmiye ayaa si weyn walaaac uga muujiyay Go,aankii Lambarkisu ahaa 5486 ee ka soo Baxay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ee ku taariikhaysnaa 13/7/2006 ee xayiraada hubka kaga qaadaayay Dawlada embegaati ee degen magaalada Baydhabo , taasoo ay ku tilmaameen in ay horseedi karto BurBur iyo dagaalo cusub oo ka bilaabma mandaqada geeska Afrika ,gaar ahaana waxa laysku odhan jiray Jamhuuriyadi Somalia ee burburtay arligeedee.

Go'aankaas ay labada xisbi ku tilmaameen in ay khatar ku tahay qaranimada iyo horumarkii Somaliland gaadhay 16 sanadood ee u danbeeyay , waxaanay dhiirigalinaysaa maamulka Cabdilaahi Yuusuf ee degen Baydhabo , sidaana waxa lagu sheegay shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen labada xisbi mucaarid ee Somaliland Hoteel Hadhwanaag ee magaalada Hargeysa

Waxa kale oo shirkooda jaraid walwal kaga muujiyeen labada xisbi mucaarid Ciidama shisheeye oo loo keeno Dawlada Cabdilaahi Yuusuf oo keeni karta kooxihi iyo maamulkii ka dhashay burburka oo laga baxay xalkii ku dhisnaa dib uheshiisinta oo xoogagii wax kala tirsanaayay ee Somalia , lana go’aansaday in lays maquuniyo , taasoo ay dawlada Somaliland ka fiirsanayso si feejigana ay iskaga ilaalin doonto khatar kasta oo ka soo muuqata dawlada embagaati ee Cabdilaahi Yuusuf madaxda ka yahay

SHirka jaraa’id oo uu akhriyay Maxamed Cismaan Fadal Waxaanu ku bilaabmay sidatan:-“Xisbiyadda mucaaridka ah ee Kulmiye iyo Ucid, Xooggaga siyaasadeed, iyo shacbiga Somaliland waxay si weyn uga walaacsan yihiin go’aankii lambarkiisu ahaa 5486 ee ka soo baxay Golaha Ammaanka ee qaramada Miidoobay 13/07/2006”.
.
Hubka qaadis somaliya waxay geeska Afrika u horseedi kartaa Burur iyo dagaalo ka soo cusuoonaadaa “Xoogaggaasi waxay u arkaan in haddii aan go’aankaas ku dhaqankiisa beelsha caalamku ka digtoonaan oo ay dawladda Imbagati u qaadato warqad cad oo loo shaabadayeey uu horrseedayo, burbur iyo dagaalo cusub oo ka bilaalbma, guud haan, Geeska Afrika iyo gaar ahaan wixii la isku odhan jiray Jamuuuriyadda Soomaaliya” Ayey UCID iyo KULMIYE ku yidhaahdeen shirkooda jaraa’iid.

.Waxyaabaha walaaca abuurey ayey kul maameen inay tahay dawlada Baydhabo degen in laga qaado xayiraada Hubka

“1.In beelsha caalamku taageero buuxda siiso maamulka Imbagati ee Baydhabo deggan

2.In Maamulka Baydhabo si gaar ah looga qaado xayiraadda hubka.

3.In midnimada Somaliya muqadas tahay

4.In la keeno Ciidamo Shisheeye oo u adeegaya Cabdillahi Yuusuf
Haddaba, Xisbiyada mucaaridka ah” ayey yidhaadeen labada xisbi mucaarid

,Waxay labada Xisbi Mucaarid (KULMIYE iyo UCID) waxay u arkaan go’aanka ay qaramada midoobay xayiraada hubka gaka qaadayaan “Xoogagga siyaasadeed iyo shacbiga Soomaliland waxay u arkaan in go’aanka Golaha Ammaanka ee QM uu xayiraadda hubka kaga qaadayo Maamlka Cabdillahi Yuusuf yahay mid ay dagaal ugu iclamisay gobolka, kuna riixaya Somaliland inay is difaacaan.
Waxay xoogagga Siyaasadeed, iyo shacbiga Somaliland oo ay hormood ka yihiin labad xisbi qaran ee UCID iyo Kulmiye u arkaan in go’aankaasi khatar ku yahay qaranimadeeda iyo wax allaale wixii horumar ahaa ee dalkani ku taallabsaday intii uu jiray” Ayey ku yidhaadeen shirkooda jaraa’iid mucaaridka Somaliland.

Ciidamo shisheeye oo loo keeno dawlada C/laahi Yuusuf ay keenayso in kooxihii ka soo doogay Bururkii in koox kaliya loo afaduubayo “Ciidamo shisheeye oo Cabdillahi Yuususf loo keenaa, waxay horseedaysaa in koox keliya loo jareeyo kooxihii iyo maamualdii ka dhashay burburkii Soomaaliya. Waxay u egtahay in laga guuray xalkii ku dhisnaa wada hadalka iyo dib-u-heshiisiinta xoogaggii wax`kala tirsanayey ee Soomaliya lana go’aansaday in la is muquuniyo” ayey ku yidhaahdeen shirkooda jaraa’iid
.
MowqifkiiSomaliland ee ahaa in uu koonfurta Soomaliya ka dhismo maamul sharciyad dadweyne leh oo ay Somaliland wada xaajoon karaan

“Waxa shacbiga Somaliland u fasiranayaan in go’aankani duudsiyayo mawqafkii Somaliland ee ahaa in uu koonfurta Soomaliya ka dhismo maamul sharciyad dadweyne leh oo ay Somaliland wada xaajoon karaan
Ku dawaaqidda muqdisnimada midnimada Soomaaliya aan jrini waxay marin habaabinaysaa wax ka qabashada hawlaha yaalla. Waxayna dhiirrigelinaysaa in Cabdillahi Yuusuf khakhal ku abuuro nabadda iyo horumarka Somaliland iyo guud ahaan gobolka” Ayey ku yidhaadeen shirkooda jaraa’iid.

BADHEEDHAHAYAGU YAHAY AYEY YIDHAADEEN
:
Taladu waxay ka go’adaa dadka reer soomaliland iyohay’adihiisa dastuuriga ah, sidaas daraadeedna waxannu si xoogle uga soo horjeednaa go’aanada dulsha laga yeedhinayo.

Waxaannu dadafaynaynaa sida qalloocan ee urrur goboleedka IGAD u maamulay arrinka xayiraad ka qaadista hubka ee maamulka Baydhabo, iyo weliba sida IGAD ugu qancisay Urrurka Midawga Afrika ilaa Qaramada Midoobay iyadoo aan wax ka soo qaadin mawqifka Somaliland ee ka soo horjeeda qaadista xayiraadda hubka ee waqtigan.

waxaannu ka soo horjeednaa ciidamo shisheeye oo Cabdillahi Yusuf ku adeeganayo meel kasta oo ay ka yimmaadaan Xoogagga siyaasdeed, bulshada`rayidka iyo guud ahaan shacbiga Somaliland waxay diyaar u yihiin inay qaadaan tallaabo kasta oo ay ku difaacayaan qaranimadooda Tacab Badan Ayaa Galay Somaliland

Waxayna ku guulaysteen reer Somaliland inay dhisaan:

qaran dastuur ku dhaqma iskuna xukuma Heshiisiinta iyo nabad ku wada noolaanshaha beelaha Somaliland oo lagu gaadhay wada tashi iyo isu tanaasul Adkaynta iyo ku dhaqanka sharciga iyo kala dambaynta oo ay ka mid tahay qaramaynta ciidan beeleedyada iyo dhisidda dhammaan hay’adaha amniga qaranka.

waxay Somaliland ku guulaysatay yagleelidda hay’adaha dawladeed ee aasaasiga ah iyo maamul shaqaynaya, Meel marinta geedisocodka dimuqraadiyadda oo uu saldhig u yahay nidaamka xisbiyada badan ilaa haddana ay hirgaleen doorashoyin is daba jog ah sida doorahooyinkii golayaasha deegaaanka, madaxtooyada iyo golaha wakiilada.

Doorashooyinkaas oo ay dhammaantod goobjoogayaal caalami ahi ka qayb qaateen kuna tilmaameen kuwo buuxiyey shuruudihii caalamka si wanaagsan loo maamulay.

Somaliland waxay ku caanbaxaday nabadda gudaheeda waxayna la leedahay xidhiidho iskaashi dawlado badan oo adduunka ah iyo hay’ado caalmi ah. Waxay si gaar xidhiidh midho dhal ah la leedahay dawladaha deriska ah oo itoobiya ugu horrayso.

Waxa tacabka ummadda reer Somaliland laga qiraa caalamka oo dhan iyadoo lagu tilmaamayo (oasis of democracy and stability in the region) loona baahan yahay inay ku daydaan maamulka Imbagaati iyo dadyawga kale ee dagaaladu aafeeyeen ee Gobolka ku dhaqan.

Iyagoo caalamka la hadlaayana waxay yidhaadeen “Hubaynta cabdillahi Yusuf ay colaado cusub hurin doonto, una horseedi doonto barakac gobololka.

Arrintaasi waxay khasbaysaa in Somaliland oo oo muddo dheer nabad kula dhaqmaysay beelaha iyo maamulada derska ah inay is difaacdo si ay danaheeda iyo shicibkeeda u ilaaliso” ayey yidhaahdeen labada mucaarid


Mar ay ka hadlayeen waxay Somaliland caalamka ka naawilaysana waxay yidhaadeen “Taniyo intii ay la so noqotay madax banaanideed, Somaliland marna qayb kama ahayn maamuladii kala dambeeyey ee loo dhisayey Somaaliya, haddaba waxannu ugu yeedhaynaa urrurada Midawga Afrika (AU), Midawga Yurub (EU) dawladda Maraykanka, Jaamacadda Carabta iyo urrur Goboleedka IGAD, in aanay marnaba Somaliland dhex gelin dedaaladooda cusub ee ku wajahan Koonfurta Soomaliya.

in si weyn looga fiirsado hubaynta maamulka Baydhabo fadhiya, waayo hub cusub oo lagu soo kordhiyo gobolka, koox gaar ahna la siiyaa waxay soo kordhinaysaa dagaal cusub oo ka oogma mandaqadda , kaasoo sii fogaynaya deganaansho iyo xal waara oo la gaadho.

in la ogaado in keenista ciidamo shisheeye ay balaadhinayso arrintii ku koobnayd koonfurta Soomaaliya, abuurina khataro aan haabka lagu hayn
waxaannu soo dhoweynaynaa dedaalada beelsha caalamaka ee waxtar yeellan kara, xal waarana u keeni kara xallinta dhibaata koonfurta Soomaaliya” Ayey labada xisbi mucaarid ku yidhaahdeen shirkooda jaraa’iid ee ay wada jirka u qabteen maanta.

Intaa ka dib ayey labada wariyaashu su’aalo weydiiyeen labada Gudoomiye Xisbi mucaarid Faysal Cali Waraabe iyo Axmed Maxamed Maxamed Siilaanyo.



 

Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID)

Jamhuuriyadda Somaliland

www.ucidparty.com

 

 

 


Source -

UCIDMEDIA





 


 

 


 

 

UCIDPARTY.COM