XIBIGA CADDAALADAA IYO DARYEELKA:


 

WARSAXAAFADEED

HARGEISA 12.03.2005

 

Xisbiga Caddaalada iyo daryeelka wuxuu uga digayaa Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa, laanteeda UNDP iyo hayadaha isku duwida gargaarka Somaliland iyo Somalia in ay iska ilaaliyaan in la soo mariyo wixii macaawino iyo mashaariic ah ee u socota magaalada Laascaanood ee Somaliland ee hadda ay ku sugan yihiin meleeshiyada maamul goboleedka Majeerteeniya  maamulka Garoowe, taas oo haddii ay sidaasi dhacdo Somaliland ku qasbanaan doonto xaqna u leedahay in ay xoog isticmaasho si ay uga kiciso ciidamada Majeerteeniya iyadoo ilaalinaysa midnimada qarankeeda.

 

Xisbiga UCID wuxuu canbaaraynayaa waftigii jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ee dhawaan yimi magaalada Laascaanood iyo tuulada Adhicaddays iyaga oo ka yimi magaalada Garoowe, wax war ah oo hordhac ahna aan siin dawladda Jamhuuriyadda Soomaaliland, taas oo aan u aragno inay jabisay sharaftii qaranimada Somaliland horseedi kartana xasilooni darro ku timaada dadka reer Laascaanood.  Wuxuu isla markaana xisbigu canaan xoog leh usoo jeedinayaa xukuumadda Somaliland oo aan xitaa war kahayn waftigaas, markii hoggaanka xibiga UCID u sheegay xubno ka tirsan xukuumadana ayba la yaabeen.

 

Waxaa la yaab leh in UN-tu dadka uga wakiika ah Somaliland iyo Somalia ay been ka sheegaan heerka nabadgelyada ee dhulka Jamhuuriyadda Somaliland iyagoo ku warbixiya inay tahay darajada 4aad.  Heerkaas oo macnihiisu yahay in ay in yar uun ka ladan tahay xaalada magaalada Muqdisho.  Waxaan u aragnaa in arrintaasi tahay sabab ay ku doonayaan in ay ku sii joogaan magaalada Nairoobi kuna cunaan dhaqaalihii loogu tala galay dadka soomaaliada ah.  Waxaa kaloo UNDP-da Somaliland iyo Somalia in ay kharash badan oo aan galin Somaliland galin ku qorto, dawlad la xisaabtantaana aanay jirin.  Ugu danbayn waxaa soo ifafaala baxaya in UNDPda S.land iyo Somalia ay si toos ah u gashay jeebka Cllaahi Yuusuf, taasina ay keeni doonto cawaaqib xumo xun oo ku timaada wada shaqaynta Jamhuuriyadda S.land iyo UNDP-da.

 

Waxaa haatan soo if baxaya in waddamada IGAD aanay wax tixgelin iyo qiimayn ah aanay siinin shacbiga Soomaaliya iyo bulshada caalamka oo si xoog leh uga soo horjeedda sida dawlada maraykanka keenitaanka ciidamada shisheeye oo ay hormood ka yihiin dalalka safka hore, taasi waxay ku tusaysaa kana markhaatikacaysaa inuu jiro hindise iyo qorshe qarsoon oo ay wada galeen Cllaahi Yuusuf iyo dawladaha IGAD qaarkood oo ku wajahan sidii dib loogu abuuri lahaa nidaamkii faashiga ahaa ee Siyaad Barre, loona wiiqi lahaa majooratiga Somaliya ee iska tuuray taliskaas. Waxa layaab leh hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee koonfurta Somaliya ee Cllaahi Yuusuf u aqbalay inuu madaxweyne u noqdo isagoo deegaankiisii dawlad gaar ah ka dhistay oo ka madaxbannaan isaga.  Markaa haddaanu nahay xisbiga UCID uma aragno inay suuragal tahay macquulna tahay in Cllaahi Yuusuf kusoo dabaalayo nabad gelyo iyo kala danbayn dhul aanu u dhalan.  Sidaa darted waxaanu u soo jeedinaynaa hoggaamiyayaasha siyaasadeed ee koonfurta Somaliya oo matala 85% dadweynaha dalka aanu jaarka nahay ee Soomaaliya in ay iska CASILAAN baarlaman iyo xukuumad ku sheegta loo macmalay Cllaahi Yuusuf, dhulkoodiina ku noqdaan oo dhistaan maamul iyo nidaam kala danbayn leh.

 

Xisbiga UCID wuxuu u caddaynayaa dawladaha IGAD iyo bulshada caalamkaba siduu horena ugu sheegay midawga Yurub in aanay Somaliland iyo shacbigeeduba daawan doonin ciidamo shesheeye iyo maleeshiyada majeerteeniya oo ka amarqaadanaya  dawlad ku sheegga Cllaahi Yuusuf oo hubka ka dhigaya maleeshiyooyinka koonfurta Somaliya.  Hadaba ugu danbayn waxaan ugu baaqaynaa bulshada caalamka ee nabada jecel inlaga baajiyo mandaqada oo dhan dagaal ka baaxad weyn kuwii hore.

 

 

Gudida Fulinta ee UCID

 

Afhayenka Mustafa Maxamed Axmed

 

Ucidprty cadami



Go back to the main page