Justice and Welfare Party (UCID)

 


 
Xisbiga UCID Oo Dawlada Ku Canbaareeyey Inay U xuubsiibatay Iibsiga xildhibaanada iyo Burburinta Dasduurka, Hay’adaha Qaranka


Hargeysa(Ucid):- Xisbiga Mucaaridka ee UCID ayaa xukuumada Madaxweyne Rayaale Ku eedeeyey inay shaqo ka dhigatay iibsiga xildhibaanda Golaha wakiilada ee Ka soo jeeda Xisbiga UCID ee mucaaridka ah iyo Burburinta Dasduurka iyo Hantida qaranka, iyadoo oo ay adeegsanayan hantiada umada. Waxaana sidaa lagu sheegey shir jaraa’ii oo uu maanta xafiiskiisa ku qabtay Afhayenka Xisbiga UCID Xasan Xuseen Maxamed( Xasan Codyare).
Waxa kale oo ay shirkooda jaraa’iid ku canbaareeyeen falka ay kukacaayaan xildhibaano ka soo jeeda xisbiga UCID oo la saftay xisbul xaakinka UDUB kuwaas oo qeyb ka ahaa in ka badan 30 xildhibaan oo golaha u qadimay mooshin ka dhan ah shirgudoonka Golaha horaantii todobaadkan.
Shirkii jaraa’iid oo dhameystirana waxa uu u dhignaa sedan;-

“Sida shacab iyo saxaafadba aad xog-ogaalka u tihiin dabeecada hab-dhaqan ee xukuumada talada heysaa waxa caada u ah ama ay ka dhigatay kursi jaceyl ay ku ilowday wax qabdkii ay bulshadu ka sugeysay ee ay ka balanqaadeen, xilligii ay kaambeynka, doorashaooyinku jireyn, marka laga soo bilaabo doorashadii degaanka, tii Madaxtooyada iyo tii G/Wakiilada oo dhamaantood ku hungoobay, wax-qabadkii ummaddu ka sugeysay. Marka la soo qaato doorashadii ugu dambeysay ee G/Wakiilada waxaa xusid mudan guushii ay xisbiyada mucaaridku ku heleyn, Aqlabiyada G/Wakiilada iyo shir-gudoonkaba. Sidaas darteed waxay kala horyimaadeeyn, xukuumada iyo xisbiga UDUB, dagaal xoogan oo oodihiisa, wata sida :-

Adeegsi qabiil oo hayaay ka kacaay-maraya, adeegsi dhaqaale oo hantidii ummadda, ha noqoto cashuurtii dawlada dhexe, cashuurtii dawladaha hoose, lacagihii laga sugaayay in ay soo saaraan heyadaha qaranka ee madaxa banaan ee loo higsan lahaa horumarinta mashariida aasaasiga ah ee shicbi-weynaha Somaliland ka sugaayay in ay xukuumadu fuliso sida :-

Biyaha , caafimaadka, leydhka, waxbarashda, wadooyinka, Tayeynta cadaalada, oo dalkan sabool ka yahay, weydsanaanta dhinaca dhaqaalaha, ee shaqaalaha dawlada iyo ciidamad Qalabka sida , saboolnimada iyo shaqa la’aanta baahsan ee dalkan ku habsatay, ayadoo maalinkasta xukumadu kordhineysa ascaartii daruuriga aheyd iyo shidaalkiiba, iyadoo la saarayo dadka aan xaalkooda kor ku soo xusanay.

Kaabayashii dhaqaalaha oo iyana aynu ka madhannahay, wax qorshe ah oo loo sameyeyna aanu jirin cadawgana loo loogay , waxa kaloo markhaati madoon ah in xukuumada sidaas foosha xun, ee ay ugu guuldareysatay Gobolada Bariga ee xilku ka saarnaa in ay maamul ahaan gaadho, waxaa kale oo meel ay jiraan la’aqoon, kaalmada ay bixiyaan heyadaha caalamiga ah ee tirade badan ee wadanka jooga, oo aynu marag furkeedii u hayno dhacdooyinkii u dambeeyay ee gadoodkii ciidanka booliska ee loo yaqaan birmadka oo u xilsaaran ilaalada nabdgelyada heyadaha Ajaanebka ee wadanka jooga, ee laga musuq-maasuqay gunadoodii, isla markaana ay tidhi xukuumado waxaan u magacwnay guddi ilaa mantana aan wax war ah laga heyn sidii kuwii ka horeeyey oo kale ee bilaa natiijada ahaa, dhacdada kale waxay aheyd tii macalimiinta wasaarada waxbarashada, ee labada qeybood kala ahaa, qaar mushahar doonaayay iyo qaar gunna doonayay oo la duudsiiyay xuquuqdoodii, lagana musuqmaasuqay, iyo dhacdooyin kale oo naxdin leh, oo subax kasto taagan.

Waxaa nasiib darro ah in xukuumadii uu kala weynaaday kursi jacayl wax u qabadkii Bulshadii soo dooratay oo xitaa, aanay damqasho iyo naxdin toona ka heyn, balse warwarkeedii yahay xaslashada kuraasta ay ku fadhiyaan oo ilaalintooda ay hantidii dalka oodhan ku bixiyeen , ololaha difaaca kursiga qaab sharci darra ah.

Baroorta xukuumaduna waxaay tahay ( Hasha geela cunta ee haddana cabaada )
Waajibka-kowaad ee ay xukumadu leedahay waa fulinta, iyo ku dhaqanka shuruucda dalka siday ku mareyn dhaarta distooriga ah, ee qodobka distooriga ah, ee 129 aad oo ku saleysan cadaalada, sinnaan, iyo waxa qabad muuqda, oo daacad lagayahay, balse waxa ka muuqata in ay horseed ka tahay jabinta shuruucda dalka, sidii loo soo joogay dhacdooyin, farabadan oo baalmarsan distoorka qaranka.
Marka aan ka soo qaadno muddo kordhintii G/Guurtida oo qayro sharci ah loogana jeedo sidii loo wiiqi lahaa oo loo burbuin lahaa xil-gudashada G/Wakiilada ee cusub ee shacbi-weynuhu soo doortay ayagoo uga dan leh in ay ku qariyaan, galdaloolooyinka sharciyada, ay jabiyeen kuna talax tageyn si boogahoodaas loo ogaado waxaanu aaminsannahay in xukuumada talad heysaa laga indhasaabay ku dhaqanka distoorka waxaa kaliya ay ka taqaanaa xukuumadu xeerarka xilka qaadista iyo magacaabida. waxaa laga dheehankaraa cadaalad darrad ka muuqata garsoorka iyo heyadaha qaranka ee kala duwan.
Markaa xisbiahaan waxaan leenhay mashaariicdan madax-isugelinta ah, ee aa ku maldaheysaan, karti-daridiina waxqabad “tiisaba daryeelaa tu kale ku darrah e”,

ka daaya mijo xaabinta dadka niyada san ee doonaya in ay u shaqeeyaa dadka iyo dalkaba si cadaalada oo sharciga waafaqsan oo hore xukuumada looga waayay, isla markaasna lagala xishood shacabkii soo doortay, walaahowga kuwaas oo ku dhawaaq odhaahda leh “sidii aanu kuugu lisnay noogumaad hambeyn” ee taladan uga noqda tu ku haboon oo dalkan gaadhsiisa himilooyinkii, hour marineed ee uu higsanaayay ka miro dhalintooda karaamadiina inaad ilaashada ayay nala tahay hadaad dawlada iyo xisbul xaakumka tihiin.

Qodobka 2aad

Waxaan nasiib darro ah in xildhibaano ka soojeeda xusbiga UCID in ay ku soo baxeen Wargesyada qaarkood kuna baaqeen lana safteen xusbiga UDUB ayna ku soo sareen canbaareeyn ku wajahan shirgudoonka iyo ridistiisa taas oo si toosa uga soo horjeeda xeerka iyo qaynunka u yaala xusbiga sidaa daraadeed.

Waxaan ogaysiinaynaa isla markaana canbaareynaynaa falkaa foosha xun ee ay ku kaceen kana soo horjeeda mabaadiida Xusbiga. Xusbigu waxa uu ka qaadi doonaa talaabada ku haboon.

Gabogebo:-
Xisbiga UCID wuxuu u arkaa mashaakilada inagu gadaaman guddo iyo debadba in lagu xalin karo tashi qaran oo loo dhanyahay leysugu yimaado ta sanna alle heyna waafijiyo waa bilaahi tawfiiq”.

Intaa ka dib waxay warfidiyeenadu ay su’aalo weydiiyeen afhayeenka xisbiga

Weriye, Mustafe-janaale
Reporter hadhwaag/hargeysa
E-mail, janaale94@yahoo.com
  

 




 

Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID)

Jamhuuriyadda Somaliland

www.ucidparty.com

 

 

 


Source -

UCIDMEDIA





 


 

 


 

 

UCIDPARTY.COM