Si loo dhiso Bulsho hanaanka barnaamijka xisbiga,
isla markaana dhista mujtamc iyo dal casri ah wuxuu xisbigu galindoona
dhaqaale badan waxbarashada dalka. Xisbigu wuxuu ku dhaqaaqii doonaa
in loo helo waxbarasho ilma-kasta oo reer Somaliland ah, ugu
dambayntana waxa xisbigu ku dadaali doonaa in qasab laga dhigo
waxbarashada ilaa fasalka sideedaad.
Xisbigu wuxuu u taaganyahay sidii loo hirgalin
lahaa waxbarasho ka soo jeeda dhaqanka diinta Islaamka, taas oo qofka
ka dhista dhinaca Imaanka, Islaam ahaan, qof ahaan, taas oo qofka
horumarisa bartana nolasha fiican iyo habkaa toosan ee mujtamaca kula
noolaan lahaa kuna ilaalinlahaa xuquudiisa iyo waajibka ka saaran
ilaalinta iyo difaaca Diintiisa iyo Dalkiisaba. Xisbigu wuxuu u taagan
yahay sidii dalka looga hirgalin lahaa waxbarasho ku salaysan wax
soo-saar iyo tignoolajiga cusub. Tacliin aan ku fadhiyin wax ku cun ee
ku salaysaan wax ku kordhi, waxbarasho tayo iyo tiraaba leh.
Xisbigu wuxuu u taagan yahay sidii looga hirgelin
lahaa waxbarashada dadka heer tuulo, degmo iyo gobolba. Xisbigu wuxuu
ka shaqayn doonaa sidii waxbarashada loo gaadhsiin lahaa reer guuraaga,
iyadoo la samayn doono waxbarasho ka mas’uul ah waxbarashada reer
guuraaga. Waaxda waxa laga dhigi doonaa waaxda ugu mushaharka badan
wasaarada, iyada oo dhinaca kale macalinku ka mid noqon doono dadka
degaanka lana bari doono howshan deegaanka, uu noqon doono shaqaalaha
ugu mushaharka badan Somaliland.
Xisbigu wuxuu ka dhigi doonaa waaxda waxbarashada
reer guuraaga mid socota (Mobile Education Unit). Waaxdaas waxa lagu
qaabili doonaa qalabka waxbarashada ee casirga ah iyo macalimiin si
gaar ah loo soo tababaray. Xisbigu wuxuu xooga saari doona sidii wax
loo bari lahaa ilma-kasta oo reer Somaliland ah meel kasta ha joogee.
Xisbigu wuxuu u taagan yahay in Jahliga laga dhameeystiro Somaliland
sida ugu dhakhsaha badan si looga baxo Faqriga iyo Baahida oo ah
hooyada xumaanta iyo dhanbiga.
Xisbigu wuxuu hubin doona waxbarashada caruurta ka
soo jeeda guryo hanti yar iyo dadka laga tirada badan yahay. Waxaa la
caawindoonaa caruurtaas waxbarasho bilaash ah, lacag la’aan ah,
marka la hubiyo in wax la’aantu ka dhab-tahay. Isla markaa waxa
dawlada ku waajib ah in ay tiro cayiman u banayso Jaamacada iyo
meelaha waxbarashada sareba caruurta faqiirada iyo dadka laga
badanyahay.
Xisbigu wuxuu ku dhaqaaqi doonaa sidii loo
casriyayn lahaa farsama yaqaaniinta dhaqan sida (traditional skills)
tumaalaha iyo kabatolayaasha, loogana saari lahaa magac xumadii badaw
nimo ee sarneed.
Xisbigu wuxuu sameyn doonaa barnaamijyo iyo
mashaariic u gaar ah horumarinta waxbarashada, caafimaadka iyo hoy’ga
mujtamaca laga badan yahay ee hore loo yasi jiray. Waxaa laga shaqayn
doonaa sidii loogu abuuri lahaa isku kalsooni iyadoo dinaca kalena la
hormarin doono hantidooda iyo wax lahaanshahooda. Waxaa la qaadi
doonaa olole diineed oo sharaxaysa ka soo horjeedka Diinteena Suuban
ee yasida muslimiinta iyo dadkaba guud ahaan.
Xisbigu wuxuu dhiiri gelin-doonaa waxbarashada
furfuran ee aan ku soo ururin hal meel (Decentralized Education
system). Tiiyoo Waxbarashada sare ee dalka aan hal meel amaba laba
meelood lagu soo koobayn, Gobol kastana waxa laga hirgalindoonaa
waxbarashda sare ee ku haboon, isla markaa waxa la sameyn doonaa
magaalooyin u khaas ah Cilmiga Cusub iyo Tiknoolajiyada. Xisbigu wuxuu
samayn doonaa Machadka Tiknoolajiga "Institute of
Technology", kaas oo khaas u noqon doona horumarinta Sayniska iyo
Cilmiga Cusub. Xisbigu wuxuu uu ugu deeqi doonaa lacag badan si loo
dhiiri galiyo cilmi barayaasha Somaliland.
Si looga saaro mugdiga bulshada, xisbigu wuxuu
xooga saari doonaa barashada Kitaabka Kariimka iyo Xadiisyada Rasuulka
SCWS. Si loogu ababiyo caruurta Somaliland Diintooda iyo Sunaha Nabiga
suuban SCWS, xisbigu wuxuu casriyayn doonaa mal-caamadaha Qiraanka,
iyada oo la tababari doono macalimiinta isla markaana mushahar loo
qori doono.
Xisbigu wuxuu xooga saari doonaa sidii loo dhisi
lahaa Dugsiyada Farsamada si looga maarmo farsamayaqaaniinta
shisheeyaha ee ka qaada shaqada muwaadiniinta Somaliland. Waxa la
diyaarin doonaa dugsiyo wax lagu baro shaqaalaha, shaqaalihii
mutaystay shahaado dugsi, ay wajib noqondoonto xaqna u lahaandoonto in
mushaharka loo kordiyo isla markaana la dalacsiiyo.
Xisbigu wuxuu samayn doonaa machadyo takhasus ah oo
shaqaalaha aqoontooda kor loogu qaado, wuxuu maalgalin weyn ku
samayndoono dugsiyada lagu baranaayo horumarinta xoolaha iyo reer
guuraaga.
Xisbigu wuxuu hirgalindoona barnaamijka iyo habka
waxbarasho ee furfuran, tiiyo degmo kastaba ay xaq u yeelandoonto
talada dugsiyada. Waxa hagida iyo go’aamada dugsiyada wax
lagasiindoonaa waalidka ardayda iyo duqeyda degmada
Xisbigu wuxuu ku talindoonaa in lakala saaro
dugsiyada wiilasha iyo gabdhaha, tiiyo aynu soo marnay dhibaatadeeda
iyo khasaaraheeda, isla markaana diinteenu ina farayso, wajibna inagu
ah in aynu raacno. Waa wajibka dowlada siiba Wasaarada Waxbarashada in
ay hubiso in hablaha iyo inamada si siman waxbarashada u helaan, si
loga hortago dhaqankii hablaha aanay tacliinta loo wada keeni jirin.
Waxaa iyadana ah masuuliyad wasaaradaha, Diinta, Waxbarashada iyo
Caafimaadka ka hortaga iyo joojinta Gudniika Fircooniga ah.
Waxaa xisbigu u taaganyahay sidii wax loo bari
lahaa, caruurta INDHA IYO DHAGAHA LA'. Waajib culus oo khaas ah ayaa
ka saaran dowlada iyo bulshadaba sidii wax loo bari lahaa dadka
laxaadka la’ iyadoo loo samaynayo dugsiyo iyo meelo waxbarasho oo u
khaas ah.
Waxbarashada dalka waxaa ka masuul ah dowlada,
meelaha waxbarashada sida mal-caamadaha, dugsiyada, jaamacadaha iyo
meelaha cilmi baadhista oo dhan waxay hoos iman doonaan dowlada. Waxaa
la ilaalin doona tayada waxbarashada iyo casriyaynta habka waxbarasho.
Si aanay u soo bixin dugsiyo mujtamac wanaagasanyahay amaba laga aduun
badan yahay iyo dugsiyo kuwa aduunka badan. Waxaa lagu dhaqaaqi doona
sidii loo tirtiri lahaa aqoon-darada, tiiyoo la samayndoono waxbarasho
dadka waawayn. Waxaa lagu xidhi doonaa shaqaalaha wax qorka iyo wax
akhriska si loogu qasbo waxbarashada.
Xisbigu wuxuu xoojin doonaa, dadka degaanka si ay
gacan ugu yeeshaan talada waxbarashada ubadkooda iyo wadida dugsiyada
degmadooda. Xisbigu wuxuu culays saari doona sidii ardayda Somaliland
loo bari lahaa taariikhdii madoobayd ee ka soo martay midawgii
Somaliland iyo Somaliya. Xasuuqii maamulkii Siyaad Barre ee
adeegsanayay dadka Somaliya ay u gaysteen dadka reer Somaliland. Si
aanay mar dambe ugu dhicin mujtamaca Somaliland in ay qaataan
talaabadii qaladka ahayd ee 60kii, waxaa lagu nuux-nuuxsan doona kala
duwanaanta dhaqan iyo caado ee bulshada Somaliland iyo Somaliya.
Xisbigu wuxuu dhiirigalin doona waxbarashada diinta
Islaamka tiiyoo maclinka diintu ka mushahaaro badan doono maclimiinta
kale. Waxa qasab noqon doonta in ardaygu shahaadada heli doonin hadii
aanu gudbin madaada diinta.