Somaliland Way Buuxisay Shuruudihii Qaran Lahaa :

Posted to the web Fri, 6 Sep 2002 13:15:48 Ahmed Iid Aadan .


Sallaamu caleykum


Marka hore waxa aan ku bilaabayaa magaca alle ee naxariista mid guud ahaaneed iyo mid gaar ahaaneedba (swt),intaas ka dib waxa aan salaamayaa hawlwadeenada shabakadan waraka ee ucidparty.com iyo akhristayaashaba. .

Intaas hadii aan ka gudbo waxaynu wada ognahay in jamhuuriyadda somaliland ay gooni isu taageeda dib ula soo noqotay taariikhdu markay ahayd 18kii may 1991,xiligaas intii ka dambaysayna waxay ahayd dal madaxbanaan oo aan la aqoonsan mudo gaadhaysa ilaa11 sanadood,mudadii ay jirtayna waxay noqotay dal wax badan qabsaday,oo ku dhaqaaqay talaabooyin wax ku ool ah,iyagoon helin kaalmo caalami ah,waxayna noqotay somaliland dal leh xaqa iyo karaamada ay leeyihiin dalalka kale ee la midka ah.

Hadaba halkan waxaynu ku eegi doonaa waxyaabaha qaran marka uu dhismayo lagama maarma anka ah iyo sida ay somaliland mid walba u buuxisay ugana soo baxday,waana kuwan iyagoo qodobaysan

1.MUWAADINIIN(SHACBI):


Marka laga hadlayo qaran ama dal,qodobka aasaasiga ah ee lama huraanka ahi waa in la helaa shacbi wayne ama muwaadiniin,kuwaas oo la,aantood aanu wax dal la yidhaa dhismi karin,marka qodobkan laga hadlayo suaasha ina hortaallaa waxa weeyaan somaliland shacbigeedu ma noqonayaa tiradii loo baahnaa si ay u noqdaan qaran?sanadkii 1918kii kadib markii uu dhamaaday dagaalkii koowaad ee aduunku meeshii la odhan jiray Liechtenstein ayaa ka codsatay ururkii umadaha ee wakhtigaas la sameeyay(league of nations) in ay u aqoonsadaan qaran,laakiin ururku wuu ka diiday codsigaas ,sababtuna waxay ahayd tiradii shacbi ee meeshaasi ayaa aad uyarayd oo ahayd 14760 qof oo kaliya,iyo iyaga oo hadii qaran loo ogolaado aan difaaci karayn wakhtiyada colaadaha iyo iyaga oo aan wakhtiyada nabada mashaariicda ganacsi iyo nidaamyada dhaqaale wadi kareen.

Hadaba inaga oo waxyaabahaas eegayna somaliland maanta si fiicanbay u buuxisay shuruudan ,maxaa yeelay wadamo badan oo aynu ka shacbi badanahay ayaa qaramo ah,waxaynu leenahay muwaadiniin aad u fara badan,kuwaas oo dhaqaale ahaana isku filan,maamul ahaana isku filan,qaran ahaana si fiican u ilaashan kara nabad galyadooda iyo qaranimadooda.

2.DHUL:


Sida shacbigumuhiim u yahay oo kale ayuu dhulkuna muhiim u yahay,marka qaran uu rabo inuu ku biiro dawladaha aduunka waxa la eegaa inuu qarankaasi leeyahay dhul u gaar ah oo leh xuduud mucayan ah,dawladaha aduunkuna waxay isku wada raacsan yihiin sida uu dhigayo xeerka caalamiga ahi (international law)in dhul xadaysan oo la helaa uu ka mid yahay shuruudaha ugu waawayn ee qaran lagu xidhi karo,caalamkana waxa soo maray qawmiyado badan oo qaranimo dalbaday oo markii ay qodobkan buuxin waayeen arintoodii waxba ka socon waayeen.

Dhulka waxaa ka mid ah hawada (air space) iyo bad hadii qaranka samaysmayaa leeyahay, taas oo ku dherersan ama ku wareegsan dhulka ,ma jirto qiyaas go'an oo loo baahan yahay shuruud ahaan inuu yeesho dhulku,laakiin waxa muhiim ah inuu noqdo mid aan aad u yarayn sida Liechtenstein dhulkeeda oo kale,oo jaanib walba ku dheelli tiran muwaadiniintiisa.

In kasta oo ay wakhtigan xaadirka ah jiraan meelo aan shardigan buuxin oo aan dhul lahayn oo hadana la aqoon san yahay sida Poli-sario oo kale kuna jirta ururka Hadaba inaga oo qodobkan eegayna mar ka aan eegno somaliland waxa inoo cadaanaysa in ay 26kii juun ee 1960kii qaramada midoobay kaga diiwaan gashay dal xor ah oo leh dhul waafi ah iyo xuduudo rasmi ah oo ay aqoonsadeen dhawr iyo sodon dawladood oo qaarkood ku jiraan xubnaha joogtada ah ee golaha amaanka,maantana dhulkaasi yahay dhul nabadi ka jirto oo gooni isu taagiisii dib ula soo noqday. midawga afrika ,

3. XUKUUMAD :


Xukuumadu waa qodobka sadexaad ee aad iyo aad u muhiimka ah ee qaran leeyahay,labada qodob ee horena ma sugmayaan xukuumad la'aanteed. Xukuumadu waa urur siyaasadeed loogu tala galay inay maamusho,nidaamiso danta guud ee umadda ,dhisto dalkeeda iyo inay xaliso waxyaalaha carqaladaha ah ee ku yimaada umada iyo dalkaba ,waxay leedahay maaliyad,sharci dajin,fulin iyo garsoor iyo awood ay ku ilaaliso labada qodob ee 1 iyo 2 ee aan soo sheegnay,kuna socodsiiso sharcigeeda.

Hadaba hadii qaran labada qodob ee hore muwaadiniin iyo dhul sugan ay ku darsadaan kan dambe oo ah in la helo xukuumad ma jirto sabab la garawsan karo oo lagaga horjoogsan karo inay helaanb aqoonsi caalami ah,hadii aan bulshadaa si gaara loo cadaadinayn Wadankeenana lagasoo bilaabo xiligii lagu dhawaaqay gooni isu taagiisa 18kii may 1991kii ilaa hada oo ay kasoo wareegtay 11 sanandood waxa kasoo jiray xukuumado kala dambeeyay oo si habsami ah ama dastuuri xililka ula soo kala wareegayay kuwaas oo maanta soo gaadhsiiyay heer aad u sareeya oo aduunyadu aanay ka indha qarsan karin

4;DASTUUR :


Dawladaha aduunku waxay leeyihiin nidaam iyo xeerar dastuuri ah oo ay raacaan,sidoo kalena somaliland waxay leedahay dastuur waafaqsan diinteena islaamka kaas oo loo qaaday aftida shacbi waynaha reer somaliland dhamaadkii bishii may ee sanadkii hore ayna ugu codeeyeen 97% haa,wuxuuna si rasmi ah uga hirgalay dalka.

Waxay somaliland qaaday talaabooyin badan oo dastuuri ,iyadoo lagu jiro marxalado xasaasi ah,kuwaasina waxay soo jiteen indhaha wadamo badan,kuwaas oo maanta u arka in ay somaliland tahay meesha kaliya ee dhulkii somalidu dagi jirtay sharaf iyo dawladnimo ka jirto

5: AXSAABTA SIYAASADA :

Meelaha ay ka jirto dawlad ama qaranimo waxay caan ku yihiin in ay ka aasaasmaan habka tartamada axsaabta badan,xisbiyada ka jira wadamada aduunkuna waxay leeyhiin barnaamij iyo nidaam wax qabad oo rasmi ah ,sidoo kalena somaliland waynu aragnaa in ay ka jiraan kana bilaabmayaan doorashooyinkii ay ku tartamayeen xisbiyada badani lagana gudbayo habkii beelaha,waana talaabo muhiim ah oo guusheeda aynu rajaynayno hadii alla qadaro.

Shuruudaha qaran ku sifoobo kuwoodsii ugu muhiimsanaa waa kuwaa aan soo sheegnay, inkasta oo ay jiraan kuwa yaryar oo kuwan aan sheegnay hoos yimaada oo halkan ku xusnayn,qaran kasta oo buuxiya shuruudahanina waxa uu xaq u yeelanayaa, bar kuma taalna ah in uu helo aqoonso caalami ah oo ah qodobka ugu dambeeya ee qaran dawladaha aduunka kusoo dari kara kana reebi kara

Hadaba suaasha aan halkan ugu soo bandhigayo dadwaynaha reer somaliland waxay tahay, intaas oo dhanba waynu buuxineee,maxaa hortaagan in aynu helno aqoonsi caalami ah??




For comments or questions about this ARTICLE please contact:
Qore:Ahmed Iid Aadan Hyderabad :India .

 



Go back to the main page