Marka hore waxa aan ku bilaabayaa magaca alle ee naxariista mid guud ahaaneed
iyo mid gaar ahaaneedba (swt),intaas ka dib waxa aan salaamayaa
hawlwadeenada shabakadan waraka ee ucidparty.com iyo akhristayaashaba. .
Intaas hadii aan ka gudbo waxaynu wada ognahay in jamhuuriyadda somaliland ay gooni
isu taageeda dib ula soo noqotay taariikhdu markay ahayd 18kii may
1991,xiligaas intii ka dambaysayna waxay ahayd dal madaxbanaan oo aan la
aqoonsan mudo gaadhaysa ilaa11 sanadood,mudadii ay jirtayna waxay noqotay dal
wax badan qabsaday,oo ku dhaqaaqay talaabooyin wax ku ool ah,iyagoon helin kaalmo
caalami ah,waxayna noqotay somaliland dal leh xaqa iyo karaamada ay
leeyihiin dalalka kale ee la midka ah.
Hadaba halkan waxaynu ku eegi doonaa waxyaabaha qaran marka uu dhismayo lagama maarma
anka ah iyo sida ay somaliland mid walba u buuxisay ugana soo
baxday,waana kuwan iyagoo qodobaysan
1.MUWAADINIIN(SHACBI):
Marka laga hadlayo qaran ama dal,qodobka aasaasiga ah ee lama huraanka ahi waa in la
helaa shacbi wayne ama muwaadiniin,kuwaas oo la,aantood aanu wax dal
la yidhaa dhismi karin,marka qodobkan laga hadlayo suaasha ina hortaallaa waxa weeyaan
somaliland shacbigeedu ma noqonayaa tiradii loo baahnaa si ay u
noqdaan qaran?sanadkii 1918kii kadib markii uu dhamaaday dagaalkii koowaad ee aduunku
meeshii la odhan jiray Liechtenstein ayaa ka codsatay ururkii umadaha
ee wakhtigaas la sameeyay(league of nations) in ay u aqoonsadaan qaran,laakiin ururku
wuu ka diiday codsigaas ,sababtuna waxay ahayd tiradii shacbi ee
meeshaasi ayaa aad uyarayd oo ahayd 14760 qof oo kaliya,iyo iyaga oo hadii
qaran loo ogolaado aan difaaci karayn wakhtiyada colaadaha iyo iyaga oo aan
wakhtiyada nabada mashaariicda ganacsi iyo nidaamyada dhaqaale wadi kareen.
Hadaba inaga oo waxyaabahaas eegayna somaliland maanta si fiicanbay u buuxisay
shuruudan ,maxaa yeelay wadamo badan oo aynu ka shacbi badanahay ayaa
qaramo ah,waxaynu leenahay muwaadiniin aad u fara badan,kuwaas oo dhaqaale ahaana
isku filan,maamul ahaana isku filan,qaran ahaana si fiican u ilaashan kara
nabad galyadooda iyo qaranimadooda.
2.DHUL:
Sida shacbigumuhiim u yahay oo kale ayuu dhulkuna muhiim u yahay,marka qaran uu rabo
inuu ku biiro dawladaha aduunka waxa la eegaa inuu qarankaasi
leeyahay dhul u gaar ah oo leh xuduud mucayan ah,dawladaha aduunkuna waxay isku wada
raacsan yihiin sida uu dhigayo xeerka caalamiga ahi (international
law)in dhul xadaysan oo la helaa uu ka mid yahay shuruudaha ugu waawayn ee qaran
lagu xidhi karo,caalamkana waxa soo maray qawmiyado badan oo qaranimo
dalbaday oo markii ay qodobkan buuxin waayeen arintoodii waxba ka socon waayeen.
Dhulka waxaa ka mid ah hawada (air space) iyo bad hadii qaranka samaysmayaa leeyahay,
taas oo ku dherersan ama ku wareegsan dhulka ,ma jirto qiyaas go'an
oo loo baahan yahay shuruud ahaan inuu yeesho dhulku,laakiin waxa muhiim ah inuu noqdo
mid aan aad u yarayn sida Liechtenstein dhulkeeda oo kale,oo jaanib
walba ku dheelli tiran muwaadiniintiisa.
In kasta oo ay wakhtigan xaadirka ah jiraan meelo aan shardigan buuxin oo aan dhul
lahayn oo hadana la aqoon san yahay sida Poli-sario oo kale kuna jirta ururka
Hadaba inaga oo qodobkan eegayna mar ka aan eegno somaliland waxa inoo cadaanaysa
in ay 26kii juun ee 1960kii qaramada midoobay kaga diiwaan gashay dal
xor ah oo leh dhul waafi ah iyo xuduudo rasmi ah oo ay aqoonsadeen dhawr iyo sodon
dawladood oo qaarkood ku jiraan xubnaha joogtada ah ee golaha
amaanka,maantana dhulkaasi yahay dhul nabadi ka jirto oo gooni isu taagiisii dib
ula soo noqday. midawga afrika ,
3. XUKUUMAD :
Xukuumadu waa qodobka sadexaad ee aad iyo aad u muhiimka ah ee qaran leeyahay,labada
qodob ee horena ma sugmayaan xukuumad la'aanteed.
Xukuumadu waa urur siyaasadeed loogu tala galay inay maamusho,nidaamiso danta guud
ee umadda ,dhisto dalkeeda iyo inay xaliso waxyaalaha carqaladaha ah
ee ku yimaada umada iyo dalkaba ,waxay leedahay maaliyad,sharci dajin,fulin iyo
garsoor iyo awood ay ku ilaaliso labada qodob ee 1 iyo 2 ee aan soo
sheegnay,kuna socodsiiso sharcigeeda.
Hadaba hadii qaran labada qodob ee hore muwaadiniin iyo dhul sugan ay ku darsadaan
kan dambe oo ah in la helo xukuumad ma jirto sabab la garawsan karo oo
lagaga horjoogsan karo inay helaanb aqoonsi caalami ah,hadii aan bulshadaa si gaara loo cadaadinayn
Wadankeenana lagasoo bilaabo xiligii lagu dhawaaqay gooni isu taagiisa
18kii
may 1991kii ilaa hada oo ay kasoo wareegtay 11 sanandood waxa kasoo jiray
xukuumado kala dambeeyay oo si habsami ah ama dastuuri xililka ula soo kala wareegayay
kuwaas oo maanta soo gaadhsiiyay heer aad u sareeya oo aduunyadu
aanay ka indha qarsan karin
4;DASTUUR :
Dawladaha aduunku waxay leeyihiin nidaam iyo xeerar dastuuri ah oo ay raacaan,sidoo
kalena somaliland waxay leedahay dastuur waafaqsan diinteena islaamka
kaas oo loo qaaday aftida shacbi waynaha reer somaliland dhamaadkii bishii may ee
sanadkii hore ayna ugu codeeyeen 97% haa,wuxuuna si rasmi ah uga hirgalay
dalka.
Waxay somaliland qaaday talaabooyin badan oo dastuuri ,iyadoo lagu jiro marxalado
xasaasi ah,kuwaasina waxay soo jiteen indhaha wadamo badan,kuwaas oo
maanta u arka in ay somaliland tahay meesha kaliya ee dhulkii somalidu dagi jirtay
sharaf iyo dawladnimo ka jirto
5: AXSAABTA SIYAASADA :
Meelaha ay ka jirto dawlad ama qaranimo waxay caan ku yihiin in ay ka aasaasmaan habka
tartamada axsaabta badan,xisbiyada ka jira wadamada aduunkuna
waxay leeyhiin barnaamij iyo nidaam wax qabad oo rasmi ah ,sidoo kalena somaliland
waynu aragnaa in ay ka jiraan kana bilaabmayaan doorashooyinkii ay ku
tartamayeen xisbiyada badani lagana gudbayo habkii beelaha,waana talaabo muhiim
ah oo guusheeda aynu rajaynayno hadii alla qadaro.
Shuruudaha qaran ku sifoobo kuwoodsii ugu muhiimsanaa waa kuwaa aan soo sheegnay,
inkasta oo ay jiraan kuwa yaryar oo kuwan aan sheegnay hoos yimaada oo
halkan ku xusnayn,qaran kasta oo buuxiya shuruudahanina waxa uu xaq u yeelanayaa,
bar kuma taalna ah in uu helo aqoonso caalami ah oo ah qodobka ugu
dambeeya ee qaran dawladaha aduunka kusoo dari kara kana reebi kara
Hadaba suaasha aan halkan ugu soo bandhigayo dadwaynaha reer somaliland waxay tahay,
intaas oo dhanba waynu buuxineee,maxaa hortaagan in aynu helno
aqoonsi caalami ah??
For comments or questions about this ARTICLE please contact:
Qore:Ahmed Iid Aadan Hyderabad :India .