Justice and Welfare Party (UCID)

 


Waraysi La Yeeshay Gudoomiyaha Xisbiga UCID
Jamhuuriya — London, UK — 23 August, 2005


Jam(London) Dhawaan waxaanu waraysi dhinacyo badan la yeelnay Gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali waraabe, warysigaasi oo ka qaaday tafatiraha wargeyska Jamhuuriya London C/xakiim Maxamed Sheikh. Wuxuuna u dhacay sidan:

(S) ,Socdaalkaagan aad kaga timid maraykan muxuu ku sabsaana ?

J Waxaa i casuumay jaaliyada reer Somaliland ee Minosoite oo doonaysay in ay wax ka ogaato dalkii iyo dadkii maadaama lagu jiro wakhti doorasho ah

S Sida aynu wada ogsoonahay doorashadu waxay dhacaysaa 29 September. Xisbi ahaan (UCID) rajo intee in leeg ayaad ka qabtaan doorashadaas?


J Horta marka hore waxaanu Iilaahay ka baryaynaa in ay u dhacdo si nabad ah, soona baxaan dad Iimaan leh oo dalkan iyo dadkan danaynaya xisbigay doonaanba ha ka soo jeedaan. Xusbi ahaan waxaan ku rajo weynahay in ay natiijadu naga farxiso.

S,Waxa beryahan danbe soo baxay warar odhanaaya in aad dad badan oo taageeri jiray xisbiga talada haya in ay u digo rogteen gaar ahaan Burco iyo Sanaag xusbigiina maxay taasi ku dhacday ?

J Xisbigayagu kamuu fidan uun dhinaca gobalada aad sheegtay balse waxaanu aamin sanahay in aanu noqon doono xusbiga ugu badan ee ka soo bixi doona Awdal iyo Hargaysaba. Sababtuna waxa weeye dadku way waayo arkeen oo way bislaadeen waxayna u arkeen xisbigan in uu wado danta guud halka ay xisbiyada u arkaan in aanay wadin danta guud ee danta gaarka ay wadaan.

S Markaas waxaad leedahay in ay xusbiyada kale wadaan dan gaar ah maxaadse ku cadaynaysaa?,

J Aniga ujeedadayadu waxa weeyi Somaliland oo nabad, hormar, cadaalad ah , mana nihin dad ay u hayso kursiga hamuun .

Waxaan nahay dad ay Somaliland ay wax walba uga horayso.

S had iyo jeer marka ay xisbiyadu hadlayaan odhaahahan aad leedahay iyo qaar la mid ah ba way isticmaalaan markaas maxaad ku tahkiidinaysaa oo aad kaga duwantahay xisbiyada kale?

J Waxaan kaga duwanahay sidii aanu u socodsiinay ee aan u dagdagsiinay habkii xulashada musharaxiinta , musharaxiintayada oo aan ku salaysnayn qabiil anba qof jaclaysi laakiin waxaanu ku doornay dadka tayo iyo aqoontooda halka ay labada xusbi ee kale ay wax kale wateen.

S waxaa la yidhaahdaa awooda xisbigaagu waxa ay gacanta ugu jirtaa adiga halka ay xusbiyada kale ay ugu jirto gole dhexe iyo gole fulineed oo talo wadaag leh oo awood faro badan ku leh halka ay xisbigaagana awooda ugu badan aad kaligaa haysatid ?

J horta waa nalaga dacaayad badanyahay oo dacaayad ku gaadhi mayno asxaabta, xisbigayagu waa xisbi leh hogaan iyo kale danbayn mana aha xisbi ay kooxo aan kala adkayni maamulaan waana wixii hore inoo baabiiyay, xusbigayaguna waa mid leh nidaam iyo kala danbayn tusaale ahaan gobolka Awdal oo kale aniga oo aan joogin ayay soo gud biyeen musharaxiintii taasina waxa ay ku tusaysaa in ay go’aanka leeyihiin dadku manaha in nala dacaayadeeyo ee waa in nalagu daydaa

S waxa jirtay markii hore fikarado odhanaya in aad isku dhadhawdihiin UDUB balse hadalada imika kaa soo baxa beryahan danbe waxay u muuqdaan in aad uga fogaatay kaambayn ama wax kale ha noqdee halkeebay sartu ka qudhantay?

J Wax kasta oo dawladu soo jeediso maaha in la mucaarido lagana soo hor jeesto su’aal ayaa la i weydiiyay tan u eeg mar hore waxaan ugu jawaabay mooshinka kaliya ee aan xukuumada ku raacay ee aan kaga soo horjestay KULMIYE ma keeni kartaa. Markaa waa la waayay wax kalana iskumaanu seegin xukuumada ee waxaanu isku seegnay danta qaranka waxaana tusaale kale ii ah markii Cabdiqaadir Jirde yidhi “ xukuumadu way sagsaagaysaa oo ma doonayso doorasho ayaanu anaguna aanu khalad koogii dadweynaha tusnay anagoo og inayna daacad ka ahayn xukuumadu doorshada , talooyinkii aanu u soo jeedinayna aanay waxba ka soo qaadan.

S, markaas maanay isku dhadhawayn fikrada dadka qaarkii aminsanyihiin in aanay dawlada maanta jirtaa u cuntami kareyn bulshadeeda markaa sida ugu dhakhsaha badan leh in layna dhaafiyo?

J Dawladda haatan jirta mandate ayay haysataa, awooda ay haystaan waa shan sanadood,shan sanadood in la carqadaldeeyo ma ah, xukuumadda wakhtigeeda qaato, hadii kale waxay inagu keeni karta nabadgalyo xumo iyo waliba dhibaatooyin ku yimaadan jiritaanka Somaliland, balse waxaanu isku dayaynaa in aanu ku kabno baarlaamanka kuna saxno sharciyada.

S Hadii bal sharciyadda la soo maro sidabay uga horimanaysa nabadgalyadda?

J Sharciyadda la soo marayo ayaa la isku haystaa, tusaale tii ay wadaan baarlaamanka iyo xisbiyadda qaarkood ee ahayd ka xayuubin xil ‘Impeachment’ ,waxa la odhan karaa ma tahay mid sharci. High treason ‘khiyaamo qaran’ waa la adkaayay, ma xafiis xisbi oo sharci la’aan la galay ayaa lagu soo ogi kara khiyaamo qaran. Waxaan u arkaa in lagu degdegayo oo looga dan leeyahay siyaasadda oo lagu qabasado awood oo dhan, waana waxay hore u samayaan jirayn, dagaalbaa la ridi jiray oo beelo ayaa la isku diri jiray

S Faysal intaa aanu ka war qabno cid soo bandhigtay qalalaase ama dagaal ma jirto, laakiine xukuumadda waa laga aragti duwaanaan kara,sidaasi ayna mucaarid u tihiin marka ma waxa jira waxayna dadku ayna ogayn oo aad ogtihiin idinku?

J Haa waanu ognahay dad aan kale jacayl in ay Somaliland ay burburto iyo in kale, haday ka waayan madaxnimadda iyo maamulkooda ay wadaan, oo ka naxa horumarka Somaliland. Dadka sheegaya waa kuwii gacanta dalka ku hayay oo aan waxba qaban,. Waxaan haboonaan lahayd in dad aan hore xilal siyaasadeed us soo qaban sida Ucida ookale inay maamulka qabtaan.

S Markaa Faysal ma noo sheegi kartaa dadkaasi dad kay yihiin?

J. dadkaasi Asxaabta ayey ku kala jiraan Asxaabta Mucaaridka ah ayey ku jiraan,wasiirro ayey wada ahaayeen ilaa maalintii wadanka la soo galay. Dawladii Abdirhamaan ayey ku jireen oo wasiiro ayey ahaayeen waa tii dagaalka sokeeye keentay, tii Cigaal ayey ka mid ahaayeen. Cigaal waa kii eryay, kuwii ayaa anaga mucaarid iskaga kaaya dhigaya. Anigu kuwaa mucaarid uma aqaano,anigu mucaarid waxaan odhan lahaa nin cusub oo leh waxa cusub ayaan keenayaa.

S. Markaa mid ayaa jirta mucaaridka dadku way doorteen, waxaanay wakiil ka yihiin bulshada in badan , shalayto dhibaatooyin badan ayaa dalka ka dhacay kuwii 1992 ha ahaadaan kuwii 1994 ha ahaadaan dadku way ka heshiiyeen,xukuumadan maanta joogta niman ku jira ayaa maalintaana joogay iminkan jooga markaa hadii laysku taariikheeyo dhibaatadeeda ayay leedahay, markaa miyaanay haboonayn inta laga hadlayo shalay in Mustaqbalka laga hadlo?

J. anaga shaqadayaydu waxay tahay inaanu sheegno dadkaasi, dowladana ma difaacayno, laakiin waxanu sheegaynaa in dad badan oo hada mucaarid ahi markay dowlada ku jireen inay kuwan oo kale ahaayeen. Dadkanu aanay mucaarad daacad ah u qaadan Karayn. Anigu hadii aan dagaal qabiil galo marnaba maan soo doonteen Kursi siyaasadeed.

S; Hadii uu xisbigiinu awood badan ku yeesho Baarlamaanka maxaa idiin qorshaysan?

J: Anaga barnaamujkayagu wuu noo samayn yahay, waxaana kow ka ah inaanu soo jeedino hindisayaan ku saabsan sharciga Dhulka. Ta labaad waxaanu kaloo doonaynaa in la kala Eryo dawladaha hoose ee shaqadii qaban waayay, waana in qaar kale la magacaabaa. Waxaanu kaloo soo samaynaynaa Dastuur dhamays tiran oo wax walba qeexaya, sharciyo ayaan soo saaraynaa, dalka imika ma jiro sharci kal wadaa, bil walba waxaanu soo bandhigaynaa ilaa 150 hindise oo sharci ah, si wax walba sharci loogu sameeyo xataa Xayawaanka ayaanu sharci kasoo saaraynaa, Hantida dhulka ee dawladu leedahay ee qofkastaa iska qaatayna gacanta dawlada ayaanu ku soo celinaynaa,

S: Hadii aad Baarlamaanka xubno badan heli weydaan oo aad ku guul darraysataan maxaa idiin qorshaysan ee aad samayn doontaan?

J: Kollay qadi maynoo wax waanu helaynaa

S; Beryahan danbe waxaad socdaalo ku kala bixisay meelo badan, ma Ololaha doorashada ayuun baad u socotay mise wax kale jiray?

J: Meelo badan waanu tagnay, ilaa Maraykan ayaanu tagnay oo aanu Xidhiidh fiican lasoo galnay dal ahaan iyo xisbi ahaanba, ilaa qaybta Arrimaha debada. Minneapolis ayaanu tagnay oo Heshiis aanu lasoo galnay si ay inoogu sameeyaan qaybta Debdemiska, Hargeysa. Tododoba boqol oo kun baa ku nool oo ma haysano hadii meeli gubato waxaynu ku bakhtiino, Dalkayag ayaanu u shaqaynaynaa, Dadkayagana waanu midaynaynaa, dadkaygu sidii ay dagaalka sokeeye isugu dileen way is ag fadhfadhiisteen ee wax ka dhexeeyaa ma jiraan ee waxaanu u samaynaynaa ujeedo guud oo midaysan, Somaliland inay soo magoosho oo qalbiga ay kasoo magoosho ayaanu samaynaynaa.

S: Wax kastaa dunida boog ayay leeyihiin in la asaturo u baahan, markaad ka hadlayso siyaasad hadii aad boogihii soo ban dhigto sidee baad umada ku middayn kartaa?

J Anagu boog ma soo bandhigayno, ee waxaanu leenahay yaan la yowyowtamin ee dalka ha loo shaqeeyo mustaqabalka , waxaa la yidhaahda qofka gadaashiisa eega hore uma soconayo, Somaliland waxay u baahantahay hogaan gaadhsiiya waxay dadku u baahan yihiin, ee uma baahna wax caaya, dagaal sokeeye, boom, qax way ka dhergegaan umadani waxay u baahantahay cida u shaqeeysa oo musqabal u dhisa madaama 70% ay yihiin dhalinyaro.

S Siday wada oganahay Daahir Rayaale waa la doortay waxaana u hadhsan muddo, markii miyaan haboonayn in aad la shaqeeysan, oo aad badhi tartan wax ka khaldan?

J Daahir isaga ayaa ogalayn cid la shaqeeysa, Daahir jin iyo insi wax la shaqeeya garanmayno,nin shaqadiisu haboontahay ma ah, nin wadi kara wadanka saddex sanadood oo kale ma ah, ma dilayne, waanu toosinayna, waxaanu ku tageerayna Baarlamaan wanaagsan isaguna dawladda wanaagsan ha soo samaysato.

Mahadsanid

 


 

Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID)

Jamhuuriyadda Somaliland

www.ucidparty.com

 

 

 


Source -

UCIDMEDIA





 


 

 


 

 

UCIDPARTY.COM