Justice and Welfare Party (UCID)

 


Xisbiga UCID oo magacaabay Xilal cusub new.gif (282 bytes)Jan-16-2005

Stockholm (UCID) Shir ballaadhan oo ka dhacay casimada labaad ee dalkan Sweden, magaalada Gothenburg maalintii Axadii, bishuna ahayd 20060212 ayaa waxaa uu Xisbiga UCID xubno ka tirsan uu magacaabay xilal cusub. Shirkaas waxaa iskugu yimid ama ka soo qayb galay xubno fara badan oo ka tirsan xisbiga UCID oo ay ku  jiraan Gudoomiyaa xisbiga Engineer Faysal Ali Farah iyo Gudoomiyaa xisbiga ee Europé Engineer Abdi Abdillahi Ibrahim.

Masuuliyiinta xisbigu markay arkeen in loo baahanyay ballaadhinta adeega xisbiga.
Kadib markay dhexdooda wadatashi badan ka yeesheen.  Waxay si wada jir ah isula garteen baahida loo qabo in la sameeyo afhayeen uu xisbigu ku yeesho wadamada Nordic countries (Sweden, Finland, Norway iyo Denmark).
Waxaa kale oo Gudoomiyihii hore ee dalkan Sweden uu codsaday in uu xil wareejin sameeyo. Taas oo laga aqbalay Gudoomiyihii hore ee Sweden looguna mahad naqay muddadii uu xilka soo hayay.   
Hadaba wada tashi iyo rog rog badan markay sameeyeen  madaxda xisbiga UCID waxaa loo magacaabay in uu noqdo Gudoomiyaa cusub ee Sweden noqdo :
Ali Ducaale Hassan

Waxaa isagana loo magacaabay in uu noqdo Afhayeenka wadamada Nordic countries:
Ali Mohamed Farah

Halkaas ayay madaxda cusubi ku ballan qaadeen in ay dardar galin doonaan hawlaha xisbiga ee loo doortay.

Abdi Abdillahi Ibrahim
Guddoomiyaha Laamaha Yurub ee UCID


 

Xisbiga Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID)

Jamhuuriyadda Somaliland

www.ucidparty.com

 

 

 


Source -

UCIDMEDIA





 


 

 


 

 

UCIDPARTY.COM