XAFLAD WEYN OO AAD LOO SOO AGAASIME, OO LOO QABTAY SANNAD GUURADII 8:AAD EE UCID

Xisbiga Ucid Oo Xaflad Balaadhan ku Xusay 8-Sano Guuradda Ka Soo Wareegtay Markii Lagu Dhawaaqay Hargeysa, (UCID) - Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka Ee UCID ayaa caawa xaflad balaadhan u qabtay Munaasibaddii sideed guuradda ka soo wareegtay markii lagu dhawaaqay aasaaska Xisbiga oo ahaa ururkii labaad ee lagu dhawaaqo.


Xafladdaas oo ahayd mid aad loo soo agaasimay, isla markaana ay ka soo qayb galeen Masuuliyiinta sarsare ee Xisbiga, sida Gudoomiyaha Eng. Faysal Cali Waraabe, Kuxigeenkiisa Mr. Waqaf, Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda, Md. C/raxmaan C/laahi [Cirro], masuuliyiinta laamaha dibadda iyo gudaha qaarkood, xildhibaanadda xisbiga kaga jira golayaasha degaanka iyo wakiilladda, taageerayaal aad u tira badan iyo marti sharaf kala duwan oo qaar kood ka socdeen axsaabta qaranka, kommishanka doorashooyinka iyo ururada bulshada.








.

Wabilaahi tawfiiq
 
UCIDMEDIA
Hargeysa

-------------------------------------------------------------------------------------
Back to the main page