|
XAFLADDII 8 GUURADII XISBIGA UCID OO LAGU QABTAY MAGAALADA BOORAME.
Boorama iyo Xuska Sannad-guuradii 8aad ee Aasaaska Xisbiga UCID
Boorama (ucidmedia)- Masuuliyiinta iyo madaxda xisbiga UCID ee Gobolka Awdal, ayaa xaflad ballaadhan xalay magaalada Boorama ugu sameeyey xuska sannad-guuradii 8aad ee ka soo wareegtay aasaaska xisbigaas oo ku beegnayd 18 August 2001.
Masuuliyiinta ka qaybgalay munaasabadan ayaa si weyn u soo hadalqaaday xaaladda siyaasaddeed ee dalku ku jiro iyo guulihii xisbiga UCID gaadhay muddada 8:da sannaddood ee uu jiray, waxana halkaas laga akhriyay warsaxaafaddeed ay ugu talogaleen xuska aasaaska UCID iyo waayihii uu soo maray iyo weliba diyaargarowga xisbigu ugu jiro doorashooyinka dhawaan dalka ka dhici doona.
Warsaxaafaddeedkaas oo ay ku sexeexnaayeen Xoghayaha xafiiska Gobolka Awdal ee UCID Cumar Daahir Cilmi, Guddoomiyaha degmada Boorama ee xisbiga Maxamuud Cabdi Xuseen iyo xoghayaha xafiiska degmada Jagne Cabdi Bakaal, waxa uu isagoo faahfaahsan u dhignaa sidan:
"Waxaannu caawa [xalay] isugu nimi xuska sannad-guurada 8-aad xisbiga UCID oo la aasaasay 18-19.08.2001-dii."
Xisbiga UCID oo ay mabaadiidiisa aasaas u yihiin ku dhaqanka shareecada islaamka iyo helitaanka caddaaladda iyo daryeelka ummadda, isaga oo aaminsan jiritaanka madaxbannaanida qaranimo ee Somaliland inay muqadas tahay, xisbiga UCID oo waajibaadkiisa siyaasaddeed ee xisbinimo u guta, si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka, si dhexdhexaadnimo ah, waxaana arrimahaas kuu markhaati furaya:
1-Xisbiga UCID oo ahaa xisbigii xalaaleeyay habka xisbiyada badan [multy Party System] ee Somaliland ka hano-qaaday, taas oo suurtogalisay in laga gudbo hab beeleedkii.
2-Xisbiga UCID waxa kale oo uu ka qayb qaatay doorashooyinkii sadexda ahaa ee dalka ka qabsoomay, isla markaasna, maanta, lagu qiyaasi karo hantida ugu qaalisan ee horumarka Somaliland lagu qiimayn karo.
3-Xisbiga UCID waa ka kaliya ee lagu sifayn karo nabadoonka asxaabta, marka la eego dhexdhexaadnimada uu muujiyo, marka ay xisbiyada kale ee dalku isqabtaan, iyada oo ay marwalba taladiisa saldhig u tahay: ilaalinta danta qaranka iyo maslaxada ummadda.
Tusaale ahaan; waxa xusid mudan mawqifkii uu xisbigu istaagay, markii lagu dhawaaqay natiijadii doorashada madxtooyada ee ay labada xisbi ee kale ee dalku istaageen labada mawqif ee kala fogaa, mid kastaana gaarkiisa guusha u sheeganayay, waxaana suurtogal ahayd in dalku ku burburo, haddii aanu xisbiga UCID ayidin natiijadii komishanka. Waxa kale oo aan soo qaadan karaa, markii uu xukuumadda Rayaale wakhtigii ka dhammaaday ee ka baaqsatay inay doorashooyinku wakhtigoodii ku qabsoomaan. Waxa ay arrintaasi horseeday muran siyaasi ah oo xooggan, waxaana marag ma doon ah in xisbiga UCID, markale qaatay mawqifkiisii ku aaddanaa ilaalinta danta iyo maslaxadda qaranka.
Xisbiga UCID oo markasta ummaddiisa la jecel inay helaan dawlad iyaga u danaynaysa oo aan ka danaysanayan. Waxa wali u muuqata inay dalka ka jiraan dhibaatooyin badan, ha ahaato maamulxumada baahday, musuqmaasuqa, xaaladda dhaqaale ee liidata iyo cunaqabataynta la saaray madax bannaanidii ganacsiga, arrimahaas oo uu xisbigu aaminsan yahay in lagaga bixi karo isbedel maamul iyo mid dhaqaale oo dalka ka hirgala, si taas loo suurtogaliyana ay doorka u weyn qaadan karaan shacabka oo leh awooda doorasho ee xulashada cidda ay hoggaankooda u dhiibanayaan, xisbiga UCID-na isaga oo arrintaa aaminsan kana faa’iidaysanaya, maamul xumada taagan iyo isbeddelka loo baahan yahay, waxa uu si weyn u soo dhaweynayaa, isla markaana uu abaabul diyaargarow ugu jiraa doorashada soo socota.
Xisbiga UCID ugu dambayn waxa uu bulshoweynta Somaliland u rajaynayaa nabad, caddaalad iyo horumar waara."
.
Wabilaahi tawfiiq
UCIDMEDIA
Hargeysa
-------------------------------------------------------------------------------------
Back
to the main page
|